Diinsoor(Arraweelo News) Abu Mansuur Al-ameriki oo loo yaqaanay Ommar Shafiiq Hammami iyo lab ka mid ah Muhaajiriinta ka barbar dagaalama Al-shabaab ayaa lagu dilay Koonfurta Somalia. Kadib markii loo galay
jidgooyo, iyagoo Al-amerki iyo kooxdiisu u safarayay deegaan kale.
Qaar ka mid ah Shebekadaha taageera Kooxda Al-shabaab ayaa lagu shaaciyay dilka Al-amerki iyo Laba Hoggaamiye oo kooxaha Islaamiyiinta ah, kuwaas oo ka kala yimid dalalka Mareykanka iyo Britain oo lagu dilay weerarkaa.
Sidoo kale laanta afsoomaaliga ee BBC-da oo soo xigganaysay Dad deggan gobolka Gedo ayaa faafisay in weerar ay Al-Shabaab ku qaadday ay ku dileen Abu Mansuur al Amriki oo loo yaqaanay Ommar Hammami oo Mareykan ah iyo Usama al-Britani, oo ah British asalkiisu Pakistan ka yimid, kuwaasi oo ka mid ahaa kooxda uu hogaamiyo Al-amerki oo ay hore isugu dhaceen hoggaamiyaha Al-Shabaab.
Al-amerki ayaa marar badan la faafiyay ina dileen kooxda Al-shabaab, balse wararka dilkiisa ee hore loo shaaciyay ayaa noqday waxba kama jiraan, wuxuuna dhowaan waraysi uu siiyay Idaacadda VOA qaybteeda Afsoomaaliga, waxa uu ku sheegay in khilaaf weyni u dhexeeyo isaga iyo hogaamiyaha Al-shabaab Abu Subayr Axmed Goddane, isla markaana ay ku dhuumanayaan isaga iyo kooxda uu la socdo ee u badan Muhaajiriintu meelo ka mid ah Somalia, balse waxa uu xusay in aanu isu dhiibayn Maraykanka, iyadoo Maydkiisa shandad loogu geeyo mooyee.