images/stories/dubaabadaha ethopia.jpg Beledweyn(ANN)Deegaannka Kala-beydh ee gobalka Hiiraan oo dhinaca Woqooyi 24-km kaga beegan magaalada Beledweyne ayaa maata galinkii hore waxaa soo gaadhay ciidamo Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa wararkii ugu danbeey
sheegayaan in ay halkaas ku sugnaayeen qadar saacado ah, kuwaas oo mudo yar ka dibna dib ugu laabtay goobihii ay ka soo kicitimeen. Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka taliya goballka Hiiraan ayaa iyaguna wax yar ka dib gaadhay goobtaas, balse may dhicin wax iska horimaad ah oo dhaxmaray ciidamada Itoobiya oo weheliyaan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xarrakada Al-shabaab.
”Waxaan arkay ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka dagaallka isku fidiyay is-gooyska Kala-beydh, qaarna gadiidka ayeey joojinayeen,” ayuu yidhi mid ka mid ah darawalada gadiidka xamuulka ah oo ka mid ah dadka deegaanka
Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa maanta markii uu soo baxay warka ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah inay soo gaadheen deegaannka Kala-beydh wal wal iyo cabsi ka muujiyay sida ay xaaladu isu bedali karto.
Dhinaca kale maanta salaadii Jimcaha kadib ayaa saraakiil ka tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee magaalada Beledweyne waxay dadka masaajidada uga baaqayeen ka qeyb-galka wax ay ugu yeedheen ”Jihaad ka dhan ah Cadowgga” iyo waliba in ay dhalinyarradu isa soo diiwaan galiyaan, si ay uga qayb qaataan dagaalka.
Sidoo kale Wararka ka imanaya magaalada Dhagaxbuur ee Kililka shanaad ee Somalida Ethopia ayaa sheegaya in duleedka Magaalada Dhagaxbuur ay ku sugan yihiin Dabaabado ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya (Iihaadhig). Dabaabadahaa oo ah kuwo cusub ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 9 Dabaabadood oo nooca dagaalka ah iyo ciidamo wata gaadiid kale oo kala duwan.
Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa loo keenay Dabaabadan dagaal magaalada Dhagaxbuur iyadoo wakhti toddobaad ahba ay yaaleen Dabaabadahani magaalada, balse wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Dabaabadaha loo isticmaalayo haddii ay Itoobiya mar kale gasho Somaliya oo mudooyinkii u danbeeyay uu Ra’iisal Wasaare Malas hadal hayay in uu gali doono Somaliya haddii loo baahdo Ciidan taakulayn ah oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo sida uu sheegay taageeraya ciidamada halkaa ku sugan iyo dawlada somalia .
Shacabka magaalada Dhagaxbuur ayaa aad uga argagaxsan Dabaabadaha la keenay magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in xitaa Dabaabadahaa ay u isticmaali karto Itoobiya ladagaalanka Jabhadda ONLF oo dagaallo ka wada meelo kamid ah Degaanka.
Dhanka kale meelo kale oo Degaanka kamid ah ayaa iyagana laga soo sheegayaa in Dabaabado noocan oo kale ah la geeyay, iyadoo wali aan war rasmi ah laga hayn waxa loogu talagalay Dabaabadahan iyo hawsha ay qaban doonaan.
Marka laysku soo ururiyo dhaqdhaqaaqyadan ciidanka Ethopia ayaa u muuqda kuwo iftiiminaya inay ciidamadeedu mar kale galaan gudaha Somalia, iyadoo dagaaladii maalmihii u danbeeyay ka socday magaalada muqdisho ay Kooxda Al-shabaab ku sheegatay guulo, isla markaana ay jiraan astaamo muujinaya in ciidamada ajaanibka ah eek u sugan halkaa iyo kuwa dawladaba la geliyay khatar oo ay kooxaha dagaalka kula jiraa u awood sheegteen.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380