Hargeysa(Arrweelo News Network)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay horkeento heshiisyada ay gashay tan iyo markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegtay sadex sanadood
ka hor, iyadoo mudadaa sheegtay inay gashay heshiisyo aan weli la geyn golaha sharci dejinta.
qoraal saxaafadeed kasoo baxay kadib kulan dhawr maalmood qaatay oo golaha wakiiladda Somaliland ku yeesheen xaruntooda, kaas oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa lagu sheegay qodobada golaha wakiiladdu isla qaateen oo ay ugu mihiimsan yihiin gudahsha wajibaadka shaqo ee golaha iyo la horkeeno heshiishyada ay xukuumaddu gasho.
Qoraalka kasoo baxay golaha wakiiladda ayaa u qornaa sidan:-
“Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Golaha sharci dejinta 1aad, ahna golihii ugu horeeyey ee shacbigu soo doortay waxa uu yeeshay saddex fadhi oo xidhan maalimihii Axadda , Isniinta iyo salaasada ee ku taariikheysnaa 25 ilaa 27 August 2013.
Fadhiga xidhan ee mudanayaasha dodo dhaadheer ka yeesheen
1. Xaalada Guud ee amni iyo nabadgelyo ee Jamhuuriyadda Somaliland .
• Waxay u jeediyeen baaq nabad gelyo beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay degmeda oog, waxay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday , kuwii dhaawacmayna waxay eebbe uga baryeen inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
• Waxay kale oo ay shacbiga Somaliland ugu baaqeen inay ilaashadeen nabadgelyada, wada noolaashada iyo wadajirka geesna uga soo wada jeestaan cadawga Somaliland.
2. Arrimaha dhallinyarada , shaqo la,aanta iyo tahriibta.
• Waxa goluhu ugu baaqay dhallinyarada Somaliland inay dalkooda hooyo aaminaan
• Waxa Goluhu ugu baaqay xukuumadda , shirkadaha iyo ganacsatada waaweyna Inay sameeyaan mashaariic shaqo loogu abuurayo dhallinyarada
• Waxa Goluhu u soo jeediyey xukuumadda iyo shacbiba si adag loola dhagaalamo shabakadaha dembiilayaasha ah eek u foogan ama ku hawlan tahriibinta dhallinyarada
• Waxa Goluhu isla qaatay inay qayb muhiim ah ka noqdaan wacyi gelinta dhallinyarada ee tahriibta.
3. Maadaama sidaan ka war qabno khasaare badan oo naf iyo malaba lihi ka dhasho dooxyada xili roobaad kasta gaar ahaan dooxyada kuwa u dhaxeeya Hargeysa iyo Berebera, waxa goluhu ugu baaqay deeq bixiyayaasha iyo xukuumadda in loo qorsheeyo dhismo biirjyo (bridges).
4. Waxa Goluhu xukuumadda u soo jeediyey iyada oo fulinaysa ku dhaqanka dastuurka ay Golaha Wakiilada u soo gudbiso heshiiyada ay gasho.
5. Isaga oo fulinaya wajibkiisa dastuuriga ah, waxa Goluhu soo jeediyey in la xoojiyo dab galka Xukuumada.
6. Maciishada iyo sicir bararka.
• Iyada oo heerka shaqo la,aanta shacbiga Somaliland aad u sareeyo, sanadihii ugu dambeeyeyna macashiidu kor u kacaysay sicir barar joogta ahina jiray, waxa Goluhu baaqa u jeediyey xukuumadda JSL inay qaado talaabooyin lagu xakameynayo sicir bararka iyo ascaarta ama qiimaha badeecadaha
• Sidoo kalena waxay ganacsatada JSL u soo jeediyeen inay u naxariistaan shacbiga Somaliland ee danyarta ah ee maciishadu ku sii adkaaneyso.
7. Waxa kale oo mudanyaashu dood adag ka yeesheen
Wanaajinta iyo tayeynta maamulka Golaha.
• Xoojinta Xil gudashada mudanyaasha iyo ilaalinta saacadaha shaqada
• Dardar gelinta shaqada guddi hoosaayadda Golaha
• Dhamaystirka shuruucda qabyada ah ee Golaha taal
8. Mudanyaasha Goluhu waxay u soo jeediyeen ciidaanmka amaanka iyo hey,adda dawladda inay dhawraan dhawrsanaanta iyo maamuuska dastuurku siiyey mudanyaasha baarlamaanka JSL .
Allaa Mahad Leh” ayaa lagu yidhi qoraalka.
arraweelo.com@gmail.com