Hargeysa(Araweelo News) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo Koox Salaadiin iyo Odayaal ah oo ka badbaaday daad
xalay qaaday mid ka mid ah gaadiid ay wateen ayaa usii jeeda deegaanka Gawsaweyne ee shalay dilalku ka dhaceen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade ayaa saaka u sheegay shebekaddaha wararka ee arraweelo.com iyo Arawelonews in ay ka gudbeen dooxayada ay ilaa xalay ku xanibnaayeen, isla markaana weli la layahay raq iyo ruux Suldaan Bare Warsame Shire oo xalay daad ku qaaday dooxa Dacarbudhuq.
Cali Warancade wuxuu intaa ku daray in baadigoobka Raq iyo Ruux Suldaanka la layahay ay uga tageen dadka weli baadigoobaya, balse ay iyagu usii jeedaan deegaanka colaadu ka dhacday shalay.
arraweelo.com@gmail.com