ugala hadlay tabashooyinka ka dhashay qaabka Madaxtooyadu u maamushay qandaraasyada mashaariicda shirkaddaha doonaya inay shidaal iyo macdan ka baadhaan deegaamada Bariga Somaliland.
Mahad Maxamed Cawaale oo ahaa Afhayeenka gudida Bulshada gobolka Saraar, isla markaana ka mid ah Odayaasha deegaanka Caynabo, ayaa xabsiga loo taxaabay shalay, isagoo ku sugan magaalada xarunta u ah gobolka Togdheer ee Burco.
Sida ay sheegayaan warar shebekaddaha wararka ee arraweelo.com iyo araweelonews.com, waxa lala xidhiidhiyay tabashooyinka aanay weli xukuumaddu xalka u helin ee ka taagan hawsha shirkaddaha xukuumaddu la gashay heshiishyada qarsoon ee shidaalka iyo macdanta, taas oo sababtay in ay awoodi waayaan inay deeganada Bariga ee gobolada Saraar iyo Sanaag ka bilaabaan hawshooda.
Dhinaca kale xadhiga Afhayeenka ayaa kusoo beegmay iyadoo ay soo baxayeen maalmihii u danbeeyay warar sheegaya in hawsha sahaminta shidaalka oo la rabay in laga bilaabo deegaamada Bariga dib loo dhigay sababo aan si cad loo ogayn.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore ula kulmay gudida uu afhayeenka u ahaa Oday Mahad Maxamed Cawaale, wuxuuna waqtigaa garawshiiyo ka bixyay Madaxweyne Siilaanyo tabashooyinka dadka deegaanku kaga cabanayeen qaabka loo maamulay qandaraasyada shirkadaha doonayay inay hawsha shidaalka ka bilaabaan deegamada bariga Somaliland, balse waxay u muuqataa in aan waxba laga qaban tabashooyinka dadka deegaanka, kuwaas oo meesha ka saaraya in ay wax talaabo ah qaadan shirkaddaha shidaalku.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com