Boosaaso(Araweelo News Network) Maamul goboleedka Puntland, ayaa diiday in dekeda magaalada Boosaaso laga dejiyo Marakab siday deeq raashin ah
oo ka mid ah deeqaha dawlada Turkigu siiso Somalia, kuwaas oo ay qorshayso dawlada Federaalka ee Somalia.
Markabkaa oo siday Caawimada Hay’adda Bisha Case ee Turkigu bixiso, isla markaana qayb ka ahaa caawimooyinka Turkigu u qorsheeyay Somalia, waxa loo diiday in laga dejiyo caawimada uu siday, taas oo ay dawlada Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Gur-Guurte) u qorshaysay Maamulka Puntland.
Khaliif Ciise oo ka mid ah Masuuliyiinta Puntland ayaa warbaahinta u sheegay inay celiyeen Markabkaa iyo shixnadii raashinka ahayd ee saarnayd, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa mid siyaasadaysan oo la doonayay in fidno lagaga abuuro Puntland.
Sidoo kale Wasiirro ka tirsan maamulka Faroole, ayaa sheegay in ay go’aan adag ka qaateen markabka Turkiga, waxayna ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan hay’adda bisha Cas ee Turkiga.
Maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay inay xidhiidhka u jaraayaan dawlada Federaalka, waxayna dastuurka Federaalka Somalia ku tilmaameen inuu noqonayo mid Maamulka Muqdisho oo keliya khuseeya. Sidoo kale Maamulka Puntland waxay hore u dawlada Turkiga ugu eedeeyeen inay caawimooyinka Somalia ku koobtay oo keliya dhinaca magaalada Muqdisho.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com