Muqdisho(Araweelo News Network) Afhayeenka u hadlay Xarakada Al-Shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii
shalay lala beegsaday kolanyo gaadiid oo marayay wadada KM4 ee Agagaarka Garoonka Diyaarada Muqdisho ujeedadiisu ahayd in lala beegsadoTaliyihii ugu sareeyay Hay’adda Sirdoonka Maraykana ee Loo Yaqaano CIA qaybteeda Bariga Afrika, kaas oo uu dhaawac halis ah kasoo gaadhay weerarka sida uu sheegay afhayeenka al-shabaab.
Sheekh Cali Dheere ayaa warbaahinta taageerta Al-shabaab u sheegay in ninkan la beegsaday oo magaciisa la yidhaahdo Gray Schroen ay Mujaahidiintu xogtiisa wax badan ku raad-joogeen, islamarkaana uu xasuuq ba’an kasoo gaystay wadamada Afghanistaan iyo Pakistaan oo uu ma’suul CIA-da hore uga soo noqday, dhawaana lagu soo wareejiyay inuu hogaamiyo howlgallada CIA ee ka dhanka ah Muslimiinta ku dhaqan Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
Hase yeeshee wuxuu sheegay in Madaxa Sirdoonka CIA-da Bariga Afrika shalay lagu beegsaday uu ka horeeyay masuulkii shaqadan u qaban jiray hore, kaas oo sida uu sheegay ay Mujaahidiintu Camaliyad la beegsadeen taariikhdu markii ay ahayd 14 Desember 2012, Camaliyadaas oo ka dhacday wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Al-shabaab waxa kale oo uu sheegay in weerarkaa uu ku dhintay ku xigeenkii Abaanduulaha Ciidamada Yugaandha ee qaybta ka ah Ciidamada Shisheeye ee Amisom iyo labo sarkaal oo kale oo Yugaandha ah, waxaa kale oo ku dhintay mid ka mid ah Ilaaladii Madaxa CIA-da bariga afrika oo sida uu sheegay ahaa ahaa nin Maraykan ah.
Al-shabaab waxay sheegtay in Madaxii CIA-da Bariga Afrika Gray Schroen uu dhaawac halis ah kasoo gaadhay weerarkaa oo sidoo kale ay goobta ku dhaawacmeen labo ka tirsanaa CIA-da oo ilaalo u ahaa Sarkaalka la beegsaday iyo Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Yugaandha oo la socday kolonyada.
Hase yeeshee ma jiraan warar madax-banaan oo sheegaya in sheegashada Al-shabaab tahay mid dhab ah, isla markaan dawlada Maraykanka ayaan ka hadlin weerarkaa iyo waxa ka jira khasaaraha ay kooxda Al-shabaab sheegtay, balse ciimadamada Yugaandha ayaa shalay sheegay in weerarka lagaga dhaawacay laba askari.