waajibkeedii, isla markaana kasoo bixi weyday wixii loo igmaday.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa waxa uu sidaa ka sheegay mar uu hadal ka jeediyay munaasibad shalay lagu qabtay Magaalada Garoowe, wuxuuna xusay in nidaamka Dowladnimo aanay jirin cid gaar u sheegan kartaa, isla markaana looga baahan yahay dawlada inay raacdo nidaamka Dastuurka Federaalka.
Mr. Faroole, waxa uu ku hanjabay haddii dawlada Somalia ee Federaalku wax hagaajinweydo ay sameyn doonaan kacdoon la mid ah kii ka dhacay dalka Masar ee xilka lagaga qaaday Madaxweynihii Masar ee Mursi.
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, wuxuu dawlada usoo jeediyay inay faraha kala baxdo arrimaha Jubooyinka iyo dagaal uu sheegay in lagu hayo Axmed Madoobe.