dhowaan Madaxweyne Siilaanyo magcaabay, kuwaas oo isugu jira Wasiiro, Wasiirul dawleyaal iyo Wasiir ku xigeeno.
Xaflada qadasharafeeda ah oo maanta ka dhacday Huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa kale oo ka qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenadda Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo Hoggaanka KULMIYE.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa oo xafladaa ka jeediyay hadal kooban, isagoo sheegay inuu soo dhawaynayo Wasiirrada cusub ee ku soo biiray Golaha Xukuumadda Somaliland, wuxuuna usoo jeediyay inay dedaal iyo waxqabad muujiyaan oo ay gutaan xilka iyo waajibaadka qaranka ee Madaxweynuhu u igmaday, isla markaana wuxuu u rajeeyay in Illaahay u fududeeyo xilkaa.
Sidoo kale Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sidoo kale Wasiirrada cusub ku bogaadiyay xilalka loo magcaabay, wuxuuna usoo jeediyay inay xilkooda u gutaan si dastuuri ah oo ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka.
Qaar ka mid ah xubnaha cusub ee Golaha Wasiirradda oo ka dareen celiyay casuumada Gudoomiyaha Kulmiye u sameeyay ayaa ka mahad celiyay qadasharafeeda uu ku maamusay iyo martiqaadka uu ku sharfay, waxayna balanqaadeen inay gudan doonaan waajibaadkooda shaqo.
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1