Hargeysa(Araweelo News Network) Xarunta Xafiisyadda Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ee laga maamulo adeegyada Lacagaha Zaad iyo isgaadhsiinta ee ku taal badhtamaha Suuqa Magaaladda Hargeysa ayaa dab qabsaday galabta casarkii, iyadoo ay
xiliggaa ka socdaan hawlaha iyo adeegyada xafiisyadaa oo inta badsan saxmad ah.
Gaadiidka dabdamiska ayaa durbadii soo gaadhay goobta, iyadoo ay kusoo urureen boqolaal qof, waxaana lagu guulaystay in la baqtiiyo dabkaa , dad goob joog ah ayaa u sheegay weriye ka socday shebekkadda wararka ee Arraweelo.com in ay arkeen qiiq ka baxay mid ka mid ah xadhkaha Laydha ee mara dhismaha hortiisa.
Ma jiro war rasmi ah oo ay shirkadda Telesom kasoo saartay khasaaraha ka dhashay dabkaa iyo sababta keentay, balse Sarkaal ka tirsan Shirkadda Telesom oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in aanu jirin khasaare ka dhashay dabkaa oo ay markiiba gurmad ka heleen Dawlada Hoose ee Hargeysa, iyadoo uu goobta yimi Gaadhiga Dabdamiska iyo dadweynaha oo usoo gurmaday sidaana lagu hakiyay dabkii inuu u gudbo gudaha dhismaha xafiisyadda xaruntaa.
Dabka ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhashay xadhkaha khatarta badan ee Telefoonada iyo laydhka sugadhan shaaracyada iyo xaafadaha magaalada, kuwaas oo khatar weyn iyo cabsi ku haya bulshada.