Kismaayo(Arraweelo News) Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Cusub Ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland
Mudane Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe” , waxayna u mahad celiyeen xildhibaannadda cusub oo ay sheegeen inay si xaq ah u doorteen Madaxweynaha Cusub Ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe”
Sidoo kale Maamul goboleedka Puntland iyo IGAD ayaa taageeray doorashada Axmed Madoobe oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland.
Sheegashada Axmed Madoobe ee Doorashada , ayaa abuurtay muran xaalad hor leh oo siyaasadeed. Kadib markii uu Bare Hiiraale dhinaciisa sheegtay in isaga loogu doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland shirkii mudada ka socday Magalada Kismaayo.
Doorashada Shirka muddada ka socday Kismaayo, ayaa ergooyinkii ka qaybgalay wararka qaar ay sheegayaan in ergooyinkii matalayay deegamada qaar ay hore u qaadaceen shirk aka hor intii aan la gaadhin natiijada doorashada.
Waxayna labadan hogaamiye mid walba dhinaciisa u sheegtay in isaga loo doortay Maamulka Jubbaland ee Kismaayo, taas oo u muuqata khilaaf siyaasadeed iyo xaalad isu bedeli karta dagaal inuu halkaa ka qarxo.
Labada Nin eek u muransan Madaxweynaha Maamulka ayaa dagaalo hore ugu dhexmareen Magaalada Kismaayo dhawr sanadood ka hor, waxayna ahaayeen laba hogaamiye kooxeed oo Malayhsiyaad dagaalo ku dhexmareen deegaanka kala hogaamin jiray.