bre1Burco(Araweelo News Network) Xaaladda magaaladda Burco ayaa ka sii daraysa. Kadib markii Mudaharaadyo rabshado wataa ka dhaceen maanta halkaa.

 

Rabshadahaa ayaa ka dhashay Gaadiidka loo yaqaan Iskarogooyinka, kuwaas oo loo diiday inay Dooxa ka gurtaan Niista, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in markaa ka dib ay Mamulka Dawlada Hoose xidh-xidheen qaar ka mid ah Gaadiidkaa.

Sida ay sheegeen Masuuliyiinta Gobolka waxa bilaabmay mudaharaad rabshado wata, kaas oo sababay in Ciidanka Booliska ee RRU goobta soo gaadheen. Kadibna rasaas ay doonayeen inay dadka ku kala kexeeyaan ay sababtay dhimashada Hal qof oo fadhiyay Goob shaaha laga cabo, iyadoo sidoo kale dhaawac soo gaadhay ilaa inta la ogyahay laba qof.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Burco waxa sii fiday mudaharaadyada rabshadaha wata, kuwaas oo ay awoodi waayeen inay gacanta ku qabtaan maamulku, taas oo magaalada u ekaysiisay meel fawdo ah, iyadoo gaadiid iyo meherado badan la bur-buriyay.

Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa weli ka hadlin dhacdadaa oo si weyn xaalada magaalada  wax uga bedeshay.
Wixii kasoo kordha kala soco shebekadda Araweelo News

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *