Adis Ababa(Araweelo News Network) Raysal wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha
Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta gaadhay magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ka dib markii ay wefdiga Madaxweyne Siilaanyo soo dhamaysteen Socdaalo ay isaga dab qaadeen London iyo Washington.
Kulanka Labada Hogaamiye ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa qaatay ku dhowaad laba saacadood, ayaan si cad loo ogayn waxyaabaha lagaga hadlay, isla markaana ma jiro wax war murtiyeed ah oo ay labada dhinac wadajir usoo saareen kulankaa ka dib.
Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulankaa ka dib saxaafada kula hadlay xarunta Madaxtooyadda Ethiopia, wuxuuna sheegay in ay Raysal wasaare Hailemariam Desalegn ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland iyo arrimaha mandaqada.
Sidoo kale wuxuu xusay in ay kulanka kusoo qaadeen qodobo la xidhiidha sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Somaliland iyo Ethiopia waxa ka dhaxeeya xidhiidh iskaashi oo aad u wanaagsan, kaas oo aanu rajaynayno inuu ka sii socdo halkaasi, ma aha markii u horeysay ee aan la kulmo Raysal wasaaraha Ethiopia, aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan maanta la kulmo, waxaana aanu ka wada hadalnay oo aanu isugu nimi sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.” Ayuu yidhi
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in ay Raysal waasaraha Ethiopia ka wada hadleen arrimaha amanka mandaqada iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen, isagoo yidhi, “Waxaanu ka wada hadlanay Raysal wasaaraha arrimo ku saabsan ammaanka iyo sidii aanu iskaashi uga samayn lahayn dhinacyo kala duwan oo labadayada dalba masaalix u ah,” ayuu yidhi, wuxuuna uga mahad celiyay Raysal wasaaraha Ethiopia kulankaa iyo sidii uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyay.
Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha debeda Ethiopia u qaabilsan Arrimaha Afrika oo kulankaa ka hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaa ay yeesheen labada Hoggaamiye ee Ethiopia iyo Somaliland mudadii uu socday lagaga wada hadlay sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, oo uu xusay inay horeba uga lahaayeen iskaashi dhinacyada nabad-gelyadda, isku socodka iyo Ganacsiga.
Sidoo kale waxa uu Sarkaalkaa u hadlay wasaaradda arrimaha debeda Ethiopia sheegay in kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal waasaraha Ethiopia lagu soo qaaday shir lagu dar dar gelinayay xidhiidhka labada dal oo todobaadkii hore lagu soo gabo-gabeeyay Hargeysa, kaas oo masuuliyiin heer farsamo ah oo ka socday laba dhinac ay ku naaqishayeen qodobada ay iska kaashan karaan labada dal, balse qodobada kasoo baxay shirkaa dhowaan loo gudbin doono heer wasaaradeed.
Madaxweynaha Somaliland waxa ku wehelinayay kulanka uu la yeeshay Raysal wasaaraha Ethiopia xubnaha wefdiga Somaliland ee Wasiirrada Arrimaha debeda iyo Madaxtooyadda, iyadoo Raysal wasaaraha Ethiopia uu dhiniciisa kulankaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha debeda u qaabilsan Afrika.