Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid oo xalay ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta.
Gudida Madaxweynuhu magcaabay oo ka kooban 15 Xubnood waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), waxaana qoraalkaa digreetada oo kasoo baxay qasriga madaxtooyada lagu yidhi sidan:- “Mudanayaal iyo Marwooyin, Sida aad ka warhaysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuun Yuusuf Warsame Siciid. Sidaa darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid.
Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunka.” Ayaa lagu yidhi digreetada.
Xubnaha Madaxweynahu u magcaabay Aaska Marxuumka ayaa kala ah sidan:-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Hargeysa
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Hargeysa
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hargeysa
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Hargeysa
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda Hargeysa
Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta Hargeysa
Taliyaha Ciidanka Booliiska Hargeysa
Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Hargeysa
Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa Hargeysa
Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda Hargeysa
Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe Hargeysa
Xildhibaan Maxamuud Axmed Oobsiiye Hargeysa
Mudane, Maxamed Baarjeex Hargeysa
Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed Hargeysa
Marwo, Aamina Yusuf Aar Hargeysa