Djibouti(ANN)Xukuumadda Dalka DJibouti ayaa dawlada Somali ku wareejisay gaadiidka gaashaaman ee ciidamada, Hub iyo saanad Milateri oo ay ugu deeqday dawlada Somalia.
Gaadiidka la siiyay Somalia oo ka kooban 50 gaadhi oo isugu jira kuwa gaashaaman oo dhawr ka mid ah ay yihiin kuwa xamuulka qaada iyo sidoo kale Hub iyo saanad Milateri, waxa lagu wareejiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin X. Maxamuud Faqi iyo Marwada Raysal wasaaraha Xildhibaan Caasha Xaaji, kaas booqasho ku tegey shalay caasimada dalka Djibouti.
Labada wasiir ee Gaashaandhiga Djibouti iyo Somalia ayaa kala saxeexday heshiis dhinaca iskaashiga iyo amniga, isla markaana dawlada Djibouti ayaa sheegtay inay hiil iyo hooba la garab taagantahay dawlada Somalia oo aanay taageeradeedu ku koobnaanayn intaa oo keliya.
Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay, markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Ra’iisal Wasaare Saacid oo xusay kulankooda ay kaga wadahadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay iskaashiga labada dal, iyo sidoo kale deris wanaaga.
Sidoo kale Raysal Wasaare Saacid ayaa sheegay in safarkiisu aanu ku ekayn oo keliya dalka Djibouti, balse uu tagi doono dalalka Ethiopia, Uganda iyo Burundi, wuxuuna rajo wanaagan ka muujiyay inay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan safarka uu ku marayo dalalkaa.
Raysal Wasaare Saacid ayaa safarkiisu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii la magcaabay October 2012, waxayna caawimada Hubka iyo Saanada Milateri ee ay Djibouti siisay dawlada Somalia kusoo beegmay, iyadoo ay weli taagan tahay fadeexad kasoo baxday hub dhowaan lagaga baxay xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, taas oo fadeexad ku noqotay Somalia, waxaana laga cabsi qabaa in caawimooyinka hubka ee la siiyo waqtigan dawlada u gacan galaan dad gaar ah,ama deegaamo gaar ah, balse Raysal wasaare Saacid wuxuu balan qaaday in ay hubkaa u adeegsan doonaan oo keliya sidii nabad loogu soo celin lahaa Somalia.