images/stories/muqal budhcad badeed hubaysan hobyo.jpg Gaalkacayo(ANN) Saraakiil ka tirsan Isbaheysiga ciidamada NATO ee ka hawlgala Biyaha Badda Somaalia iyo maleeshiyaad kasoo jeeda deegaanka Mudug ee Gaalkacayo ayaa gaadhay duleedka magaalada Hobyo oo ku taal xeebta badweynta India ee Somalia, halkaas oo xarun u ah Budhcad Baddeeda Somalia ee maraakiibta ka ugaadhsata marinkaa. Sidaana
waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad kala duwan oo ku sigan deegaankaa, kuwaas oo sheegay in saraakiil ka socota Gaashaanbuurta NATO ee ku howlan la dagaalanka Kooxaha Budhcad Baddeeda Somaalida ay shalay gaadheen magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay maanta u gudbeen dhinaca deegaanka degmada Hobyo ee gobolkaa.
Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Saraakiisha oo tiradooda tahay 7-sarkaal oo ajaaniib ah, kuwaas oo amaankooda aad loo ilaalinayay mudadii ay ku sugnaayeen Gaalkacayo. wararka qaar ayaa sheegaya inay halkaa u tageen sidii ugu kuur geli lahaayeen xaalada Budhcad badeeda iyo in laga fulin karo halkaa hawlgal dhinaca Berriga ah.
Ilaa 7-gaadiidka dagaalka ee gaashaaman ayaa Saraakiishaa lagaga galbiyay Magaalada Gaalkacayo, iyadoo maleeshiyaadka ilaalada ka hayay ay ahaayeen kuwo hore ugu tirsanaa kooxaha Budhcad Baddeeda.
kooxda Saraakiisha ah ayaa ka hor intii aanay gaadhin Gaalkacayo ay jireen warar sheegaya inay kusoo fool leeyihiin deegaankaa Saraakiil Ciidan oo ka tirsan NATO, balse sida ay wararkaasi sheegayaan markii ay halkaa gaadheen dadka deegaanka loogu sheegay suxufiyiin, kuwaas oo xoggo danbe oo laga helay tibaaxeen inay yihiin.
Degmada Hobyo ayaa ka mid ah meelaha ugu mihiimsan ee xarumaha u ah Budhcad Baddeeda, waxaana halkaa ku xidhan maraakiib badan oo qaarkood yihiin kuwa dagaalka oo ay Afduubeen Budhcad Baddeedu, isla markaana waxa la saadaalinayaa inay Ciiddamada NATO hawlgalo dhinaca Berriga ah ka bilaabaan deegaankaa, iyadoo warar dhinaca Budhacad Baddeeda ku sugan deegaanka laga helayna sheegaan inay dhinacooda u diyaar garoobeen oo ay galeen abaabul iyo sidii ay isu difaaci lahaayeen.
awaxaa ku xiran dhowr maraakiib dagaal oo ay qafaasheen burcad badeedka, iyadoo ay ka jirto dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan burcad badeedka, kadib markii ay ka war heleen saraakiisha ku soo jeeda degmadaas.
Si kastaba ha ahaatee ilaa hada si cad looma oga qorshaha ay u halkaa u tageen saraakiisha NATO, isla markaana waxa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan socdaalkooda iyo sababaha ka dambeeya, balse waxa la filayaa inay maalmaha soo socda cadaan doonto ijeedada socdaalkoodu.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com