oo lagu kordhiyay farsamada gacanta ee loogu faa’ideeyo dadka maxaabiista ah.
Taliye Xiirane mudadii uu ku jiray kormeerka xabsiga Boorama, waxay saraakisha maamusha xabsigu tuseen sida ay maxaabiista ku xidhan jeelka Boorama uga faa’iidaysteen xirfado farsamada gacanta ah oo la baray, isla markaana ay ugu suurta gashay inay sameeyeen qalab isgu jira Sariiro, Kuraas iyo agabka xafiisyada ee kala duwan.
Dhinaca kale Taliyaha xabsiga Gobolka Awdal Siciid Xuseen Caynaan oo warbixin siinayay Taliyaha Asluubta Somaliland ayaa sheegay inay talaabada ay qaadeen tahay mid muhiim ah oo u qabsoontay xabsiga iyo maxaabiista ku xidhan, isagoo yidhi, “Talaabadani waa mid guul ah, waxaan barnay maxaabiista xirfado anfacaya naftooda oo wax ka taraya noloshooda, waxaana sidaa u yeelnay inaan dhaqan celin uga dhigno oo ay ku laabtaan bulshadda iyaga oo dhaqankooda wax iska bedaleen,, tanina waa mid guul u ah madaxda xabsiga iyo maxaabiista labadaba.” ayuu yidhi.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo warbixintaa ka dib hadlay ayaa ku bogaadiyay hawlaha u qabsoomay ciidanka iyo maxaabiista, balse wuxuu xusay in xabsigu u baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo, taasna ay ka hawlgelayaan.
Sidoo kale wuxuu balanqaaday inay qalab cusub kusoo kordhinayaan xabsiga, isla markaana xabsiyada dalka oo dhan la geyn doono qalab, isagoo yidhi, “Waxaan balan qaadayaa in todobaadka soo socda aan u keeno jeelka warshad jaajuurka samaysa si maxaabiista xirfado cusub loo baro, talaabadan ayaana ah mid aan rabno inay ka hirgasho jeelasha dalka oo dhan waanan ku kalsoon nahay inay wax badan ka bedeli doonto, fikirka iyo dhaqanka maxaabiista bulshadana ay ku laaban doonaan iyaga oo ka duwan sidii ay ahaayeen markii la soo xidhay.” ayuu yidhi Taliye Xiirane.