Marka(ANN_Dowladda Faransiiska ayaa qiratay hawlgal ay saaka waaberigii doonayeen inay kusoo furtaan Dennis Allex oo ahaa dhinaca mukhaabaraadka ah oo 2009 malayshiyada Al- shabaab ku afduubeen magaalada Muqdisho. Hawlgal ciidamada sida gaarka ah
u tababaran ee Faranca saaka subaxnimadii hore ku weerareen saldhig Al-shabaab ku leedahay Buula Madheedh oo 30km u jirta Marka, ayaa guuldaraystay, kaas oo sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha debada ee Faransiisku lkhasaare kasoo gaadhay.
War kooban oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Faransiiska ayaa lagu sheegay in labo katirsan ciidanka Komaandooska Faransiiska lagu dilay dagaal ay ciidanka wadankaasi lagaleen Malayshiyada haysaray A-shabaab, waxayna sheegeen in Askari ka mid ah ciidanka khaaska ah ee hawlgalkaa fulinayay iyo sarkaalkii afduubka loo haystay ee ay doonayeen inay soo badbaadiyaan lagu hawlgalkaa oo ka dhacay
tuulada Buulo Madheedh ee Koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay qaadeen weerar ay ku badbaadinayaan qof Faransiiska u dhashay oo lagu afduubay Soomaaliya 2009kii
Gaashaandhoga Faransiiska waxay intaa ku dareen in Toddobo iyo toban islaamiyiinta Al-shabaab ah lagu dilay weerarkaa oo socday 45 daqiiqo, kaas ay fuliyeen diyaaradaha helikontarka kuwaas oo fadhiistay xalay waaberigii saldhig ay Buula Madheedh ku leeyihiin xarakada Al-shabaab.
Hase yeeshee A;-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay in hawlgalkaa lagu jebiyay ciidanka Faransiiska oo lagaga laayay askar ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday, isla markaana waxay beeniyeen in ay Al-shabaab dileen ninka ay gacanta ku hayeen oo uu weli noolyahay.oo bedqabo.Denis Allex ayaa lagu afduubay magaalada Muqdisho sanadkii 2009kii, kaas oo sarkaal kale oo xiligaa lala afduubay madaxfurasho lagu sii daayay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com