Hargeysa(ANN)Maayarka cusub ee Caasimada Hargeysa Eng.Yusuf Warsame Siciid, ayaa maanta xilka kala wareegay Maayirkii hore ee Hargeysa Eng. Xusseen Maxamuud Jiciir. munaasibad balaadhan oo ay masuuliyiintaasi xilka kula kala wareegen ayaa lagu qabtay
Huteelka Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibada xilka loogu kala wareejinayay Maayarkii hore ee Caasimada iyo Maayarka cusub, waxa ka qaybgalay Maayar xigeenkii hore iyo Maayar xigeenka cusub. sidoo kale waxa ka qaybgalay xildhibaanada golaha deegaanka ee cusub iyo xubnihii golaha deegaanka ee hore iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, Golayaasha Baarlamaanka, Axsaabta qaranka iyo marti sharaf kale, iyadoo xubnaha
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay in Maayarka cusub looga fadhiyo wax qabad, isagoo xusay inay wasaarad ahaan wax badan la qaban doonaan.
Gudoomiye xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin oo hadal ka jeediyay madasha ayaa hambalyo u diray Maayarka cusub iyo golaha deegaanka ee Caasimadda, kuwaas oo uu sheegay in looga fadhiyo sidii ay gudan lahaayeen xilka loo igmaday.
Maayarka xilka wareejiyay Eng:Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in mudadii uu xilka Caasimada hayey ay u qabsoomeen waxqabadyo badan, kuwaas oo uu tilmamaay inay u hir galeen sidii loogu tala galay, wuxuuna ku faanay in muddadii Tobanka sanadood ee uu xilka hayay Shan sannadood ay muran kaga dhamaadeen. Lakiin shantii sanno ee u danbeeyay wax qabteen, isagoo tusaale usoo qaatay in wadooyin badan ay ka hirgaliyeen Magalada Caasimada ah ee Hargeysa, isla markaana ay wax ka qabteen oo hagaajiyeen Bilicda Magaalada, wuxuuna xusay inay Magaalooyin badan oo dunida ah la mataanaysiiyeen Caasimada Hargeysa.
Maayarka Cusub ee Magaalada Hargeysa.Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ka hadlay munaasibada ayaa balan qaaday in ay u qorshaysan tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen Magaalada, wuxuuna xusay inay jiraan mashaakilaad badan oo horyaala. Eng: Yuusuf Warsame ayaa sheegay in shaqada dawladda hoose u xilsaaran tahay aanay ahayn mid laga sugayo xildhibaanada golaha deegaanka oo keliya, laakiin guud ahaan dadweynaha uu xil ka wada saaran yahay.
Eng. Yuusuf waxa kale oo uu sheegay inay Caasimadda Somaliland tahay meeshii aynu tusi lahayn Caalamka. sidaa awgeed loo baahanyahay inaynu bilicdeeda sii ilaalino, hirgelinta hawshaasina ay u baahan tahay in yar iyo weyn dhinacyada la wada qabto, wwuxuuna Maayarka cusub ee Caasimadu ballanqaaday in xubnaha Golaha deegaanku diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda.
Sidoo kale Badhsaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed C/llaahi Xamarji oo munaasibadaa ka hadlay ayaa ugu duceeyay Maayarka iyo ku xigeenkiisa in Illaahay ku asturo xilkaa culus ee loo dhiibay iyaga iyo xubnaha golaha deegaanka ee cusub.
Wax kale oo iyaguna munaasibadaa ka hadlay Marwo Adna Aadan iyo wasiirka Cadaalada Xusseen Axmed Caydiid oo labaduba dar-daaran u jeediyay Maayarka cusub, ku xigeenkiisa iyo dhamaan golaha deegaanka cusub ee Hargeysa, ayaa sheegay inay golaha deegaanka cusub sugayso baahi badan oo ay qabto Caasimada Hargeysi, isla markaana loo baahanyahay inay la yimaadaan dedaal iyo wax qabad, iyagoo Illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka ay la wareegeen.
Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4
/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin;}
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com