Libiya(ANN) ilaa boqol dhalinyaro isugu jira wiilal iyo hablo ayaa gaadhi kula qalibmay shalay duleedka Misrata oo dhinaca woqooyi galbeed ee Libya ah, isla markaana 187km dhinaca bari kaga beegan caasimada Tripoli. warar kala duwan ayaa kasoo baxay
khasaaraha ka dhashay gaadhigaa oo siday qiyaastii boqol qof oo Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan u dhashay Somaliland, isla markaana ka tegey Magaalooyinka Boorama, Hargeysa iyo Burco.
Mid ka mid ah Tahriibayaasha u dhashay Somaliland ee ku sugan dalka Libiya Maxamed Maxamuud Ibraahin oo lagu Naanayso (Hadhuudho) ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay in gaadhiga dhacay uu siday Sibidh la saaray Raar loo sameeyay gaadhigaa oo ka mid ah kuwa dadka Tahriibta ah qaada, isla markaana dadka tahriibayay oo gaadhaya ilaa boqol qof oo dhlinyaro wiilal iyo Hablo ah la saaray sagxada gaadhiga si aanay u qabsan askarta joogta baraha Kaantaroolada dalkaa oo si weyn ula tacaala dadka doonaya inay u tahriibaan dhinaca dalalka Yurub ee ka gudbaya bada, balse waxa uu sheegay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca uu ka dhashay Markii Gaadhiga oo marayay Duleedka Misrata meel ciidamada saldhig u ah oo moosaas waaweyn leh uu ku dumay dadkii gaadhiga saarnaa raarka ka sareeyay ee sibidhka, taas oo sida u sheegay sababtay inay ku dhintaan halkaa 16 dhalinyaro ah, isla markaana uu dhaawac soo gaadho ilaa tobaneeyo kale.
Mr. Hadhuudho waxa uu sheegay in dadkaa ay ciidamada libiya gacanta ku dhigeen oo la geeyay xabsiga Khubus oo ku yaal caasimada dalka libiya ee Tripoli, wuxuuna intaa ku daray in dadka gaadhiga saarnaa ee tahriibayay u badnaayeen dhalinyaro ka yimi Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama, isla markaana uu qaarkood garanayo oo ay lasoo xidhiidhi jireen, balse aanay suurta gal ahayn inuu dhamaantood magacyadooda xaadiriyo.
wixii kasoo kordha kala soco shebekada wararka ee Araweelonews .com
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com