Gebilay(ANN)Gegolaha deegaanka degmada Gabiley ee cusub ayaa doortay Maayar iyo Maayar ku xigeen. kadib markii si sharci ah loo dhaariyay maanta.
Fadhi saaka lagu qabtay hoolka shirarka ee dawlada hoose ee Gebilay, waxa kasoo xaadiray 21 xildhibaan ee dhowaan kusoo baxay
Munaasibada dhaarta ka dib waxayxildhibaanadu isla goobta dhaarintu ka dhacday ku yeesheen fadhigoodii u horeeyay, kaas oo ay Maayarka cusub ee Gebilay cod aqlabiyad ah ugu doorteen Mudane Shucayb Maxamed Muuse, oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE, isla markaana mar mudo yar oo kooban u ahaa wasiir dawle xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale kaahin, iyadoo maayar ku xigeena loo doortay Cabdi Yuusuf Goole oo ka soo baxay urur siyaasadeedka UMMADA.
Munaasibada lagu doortay Maayarka iyo ku xigeenka waxaa kasoo xaadiray 21-ka xubnood ee golaha deegaanka degmada Gebiley, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Badhasaabka Gebiley Axmed Cali Nuur, badhasaabka ku xigeenka, taliyaha qaybta ee ciidanka booliska, maayarkii hore, xoghayaha dawlada hoose, garsooreyaal ka socday maxkamada gobolka Maroodi jeex iyo saraakiil ka tirsan qaybaha kala duwan ee booliska Somaliland.
Laba musharax ayaa u tartamay jagada Maayarka, iyadoo Shucayb Maxamed Muuse uu helay 15-cod oo uu ku jiro codkiisu, halka musharaxa la tartamayay oo ahaa Cali Maxamed Sheekh Salaabaan, isna helay 6-cod oo uu la socday codkiisu, sidaana waxa cod aqlabiyad ah ugu guulaytay inuu noqdo Maayarka Gebilay Shucay Maxamed Muuse.
Sidoo kale waxa jagada Maayar xigeenka u tartamay Cabdi Yuusuf Goolle oo ka soo baxay ururka UMMADA iyo Cumar Cali Obsiiye oo kasoo baxay xisbiga UCID. waxaanu Cabdi Yuusf Goolle helay 13-cod oo uu ku jiro codkiisu, halka umar Cali Obsiiye isna helay 7-cod oo uu la socdo codkiisu, sidaana waxa ugu guulaystay jagada maayar ku xigeenka Cabdi Yuusuf Goolle.