Berbera(ANN)Qayb ka mid ah Golaha deegaanka degmada Berbera ayaa maanta yeeshay fadhigii u horeeyay, kaas oo ay kasoo xaadireen 11 xildhibaan, isla markaana ay ku doorteen Maayar iyo Maayar ku xigeen cusub. fadhigaan oo aan loo ogolayn saxaafada waxa
kasoo xaadiray 11 xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka, balse wararka ayaa sheegaya in hal mudane banaanka uga baxay shirka ka hor intaan la dooran doorashadu dhicin.
Fadhigaa oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee dawladda Hoose Berbera. waxa kale oo ka qaybgalay Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), iyo Wasiir dawlaha arrimaha gudaha Somaliland, kuwaas oo isku khilaafay shirka in la qabto iyo in dib loo dhigo, maadaama ay maqanyihiin mudanayaasha kala badh oo aanay kasoo xaadirin fadhigaa.
hase yeeshee Badhaaska Maxamuud Cali Saleeban Ramaax ayaa ku adkaystay in la qabto shirka, iyadoo ay wasiirka si weyn isugu maandhaafeen.
fadhigaa kooxda mudanayaasha ah ee ka qaybgalay ayaa sheegay inay Maayarka Berbera u doorteen C/shakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ka soo baxay ururka UCID, waxayna sidoo kale sheegeen inay maayar ku xigeenka Berbera u doorteen Baashe C/laahi Ibraahim (Yacquub) oo isna ka soo baxay ururka Waddani.kadib markii uu xalay ka tanaasulay Maayarkii hore ee Berbera Cabdla Sandheere oo ahaa musharax u taagan maayarka.
Doorashada Maayarka Berbera iyo ku xigeenkiisa waxa hadheeyay loolan adag oo u dhexeeyay dhinacyada ku tartamayay, waxaana kulankaa aan ka qaybgelin xildhinaabada kala badh golaha deegaanka Berbera, iyadoo saxaafada aan loo ogolayn kulankaa, mudanayaasha ka maqnaaday fadhiga ayaa saluugay qaabka loo maamulay doorashada. sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inay masuuliyiinta xukuumaddu isku maandhaafeen kulankaa iyo qaabkii loo maamulay, iyadoo aanay xildhibaanada ka maqnaa kulankaasu weli wax jawaab ah ka bixin doorashada maayarka iyo ku xigeenka, balse suxufiyiinta oo markii hore loo diiday goobta, ayaa mar danbe loo ogolaaday inay gudaha galaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com