images/stories/news.gif Hargeysa(ANN) Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa hawada ka baxay caawa, ma jiro war rasmiya oo ay wasaarada war faafintu kasoo saartay sababta uu hawa uga baxay Telefishanka qaranku, kaas oo shanta galabnimo soo geli jiray hawada ilaa kowda habeenimo.
Hase yeeshee shebekada Araweelonews ayay u sheegeen hawlwadeenada Telefishanku in ciladi ku timi Tarasmitirkii telefishanka, kaas oo galabnimadii xukaaday, isla markaana waxay hawlwadeenadu xuseen in lagu hawlan yahay sidii hawada loogu soo celin lahaa TV-ga qaranka, taas oo sida ay sheegeen lagu guda jiro ilaa hada, balse aanay cayimi karayn waqti mucayin ah oo ay ku raja weyn yihiin inuu hawada kusoo laabto.
Cilada xiligan telefishanka ayaa kusoo beegantay xili ay xukuumada cusubi ku jirto magcaabis iyo xil ka qaadis masuuliyiintii hore ee xukuumadii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada, isla markaana maamulka telefishanka ayaa ka mid ah meelaha farta lagu fiiqayo in lagu sameeyo is bedel, kaas oo ka mid ahaa meelaha ay xubnihii gudida anshaxa ee doorashadii madaxtooyadui sida gaarka ah u calaamadiyeen kadib markii maamulka Telefishnka qaranku u hogaansami waayay xeerarkii anshaxa ee saxaafada xiligii doorashada madaxtooyada.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com