Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa nasiibdaro ku tilmaamay natiijadii doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa, wuxuuna ugu baaqay gudidda doorashooyinka qaranka inay soo saaraan
natiijo sax ah oo lagu wada qanco.
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayey 10 Desember oo ah maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka oo ka dhacday Magaalada Hargaysa, waxa uu sheegay inay doorashadii Golaha deegaanada ee dhowaan dalka ka qabsoontay si nabadgelyo ah u dhacday, balse ay nasiibdaro ahayd natiijadii soo baxday oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.Sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay gudida doorashooyinka Qaranka inay shacabka Somaliland iyaga ka sugayaan natiijo saafi ah oo dhamaan lagu wada qanco.
Madaxweynaha Siilaanyo, waxa uu tacsi u diray dadkii ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhashay natiijada doorashada ee degmada Hargeysa, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan oo aanay qalalaase samayn, isla markaana ay dhawraan sharciga iyo nidaamka dawliga ah, wuxuuna xusay inaan cidna laga oggolaanayn fadqalalo iyo rabshado waxyeela nabadgelyada dalka,isagoo yidhi,”Cidna ka oggolaan mayno inay carqaladayso amniga iyo xasiloonida Somaliland,”
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay inay Somaliland ixtiraamto xuquuqda aadamaha oo ay hore ugu qeexday dastuurkeeda, wuxuuna Hay’adaha xuquuqul insaanka Qarankana kula dardaarmay inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.