Hargeysa(ANN)Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa  shaaca ka qaaday inay natiijadii doorashadda deegaanka ee degmada Hargeysa ay u gudbiyeen Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, taas oo ay sheegeen inay ka garnaqdo cabashooyinka

murashaxiinta iyo axsaabta siyaasadda.

Sidoo kale Komishanku doorashooyinka qaranku, waxa ay sheegeen in xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u tirinta codbixintii doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmadda Hargeysa. sidaa awgeed ay qaateen go’aankaa. Komishanka doorashooyinka qaranku, waxay sidaa ku sheegeen  qoraal war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Komishanka doorahsooyinka qaranka Somaliland Eng Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Gudida doorashooyinku wuxuu dadweynaha Somaliland ogaysiinayaa in doorashadii Golaha deegaanka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si waafaqsan sharciga doorashooyinka Golaha deegaanka, iyagoo ay goob joogna ka ahaayeen wakiiladda xisbiyadda iyo goob joogeyaal caalami ah iyo kuwo gudaha ah.

Komishanka Doorashooyinka qaranku wuxuu maanta oo taariikhdu tahay 10/12/2012 go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii doorashadda ee degmadda Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, markii uu Komishanku dib u eegis ku sameeyay natiijadii degmadda, isla markaana hufid ku sameeyay xogta goobaha codbixineed ee faro-weyne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimadda Hargeysa.

Ka dib markii xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay, waxa uu ku saleeyay natiijadda goobaha ee ay isla saxeexeen hawl wadeenadda Komishanka ee heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda.

Maxkamadda Gobolka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ah ee ka soo baxa xisbiyadda, ururadda iyo Murashaxiinta.

Komishanku waxay kula tallinayaan axsaabta, murashaxiinta iyo dadweynaha Somaliland in Guulihii laga soo hooyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ay ka marag kaceen goob joogeyaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa.

Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaadadweynaha in nabadda qaaliga ah ee Somaliland ku caano-maashay, sumcadda weyn-na ay adduunka kaga yeelatay in la dhawro.”

Komishanka doorashooyinka ayaa  hore u sheegay sabtidii todobaadkan  inay  hakiyeen natiijadii ay hore ugu u shaaciyeen, isla markaana ay  dib u tirinayaan codbixintii natiijaddii doorashadda degmada Hargeysa, ka dib markii ay magaaladda Hargeysa ka dhaceen mudaharaadyo lagaga soo horjeeday natiijada  lagu dhawaaqay habeenimadii khamiistii la soo dhaafay, balse ay cabashooyin sababay mudaharaadyo rabshado wataa ka dhasheen

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *