Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Degmadda Hargeisa ee Komishanka Doorashooyinka Siciid Jaamac Guutaale ayaa ku dhawaaqay caawa caweyskii natiijadii doorashada golaha deegaanka Hargeysa oo si weyn loo sugayay, taas oo ah xubnaha golaha deegaanka Hargeysa oo
tiradoodu tahay 25 xildhibaan, isla markaana ka kooban Ururada iyo xisbiyada ku tartamay doorashada si rasmi ah loogu dhawaaqay. Tirada codadka guud ee Hargeysa ayaa lagu sheegay 230,000 (laba boqol iyo sodon kun oo qof).
Liiska Magacyada kuraasta golaha deegaanka caasimada iyo sida loogu kala guulaystay, waxa uu Guddoomiyaha komishanka degmadu ku sheegay in Xisbiga Kulmiye 7 kursi helay, Xisbiga UCID 4, Xaqsoor 4, Waddanina 4, Ummadda 1, Dalsan 2, Rays 1.
Sida ururaddu u kala heleena waa sidan.
KULMIYE
Hanad Xaashi Axmed Caydiid 5474
C/raxmaan Maxamuud Caydiid Cabdi (SOLTELCO) 4455
Cismaan Xasan Faarax Shiil (Waxar) 4151
Eng. Yuusuf Warsame Siciid 3793
Cabdi Siyaad Muxumed Giirre 3625
Axmed Daahir Axmed Magan 3484
Cabdi Cali Yuusuf Liibaan 3265
UCID
Maxamed Aw Adan Wayrax Geelle 4477
Khadar Ibraahim Axmed 3544
Cabdicasiis Maxamed Xaashi 3003
Maxamed Cabdi Adan Yuusuf 2266
WADDANI
Maxamed Warsame Caalin Timacadde 5315
C/qani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin 2969
C/laahi Cali Adan Yuusuf (Cabbaas) 2902
C/risaaq Faarax Xassan (Qawdhan) 2621
XAQSOOR
Saleebaan Daahir Cabdillaahi Raagsane 4558
C/laahi Aw Adan Maxamed Cawil 2899
C/laahi Siciid Faarax Diiriye 2719
Deeq Ducaale Cismaan Guuleed 2364
Rays
Khadar Xuseen Cali Ismaaciil 1877
Dalsan
C/casiis Adan Habane 3589
Fu’aad Saxardiid Caabi 2499
UMADDA
Cali Axmed Haybe Nuur 3786
khaalid cabdi cawad abyan 2949
mustafe cismaan daahir 2861