Hargeysa(ANN)Rabshad xalay Fiidkii ka bilaabmay xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfur galbeed ee magaalada Hargeysa ayaa istaagtay maanta gelinkii danbe kadib markii ay Ciidamadda Booliisku Rasaas ku kala dareeriyeen dadka dhalinayarada ah ee bilbaabay

 

mudaharaadyo Rabshada watay oo ka socday xaafadaa, kuwaas oo sababay ilaa inta la ogyahay 3 qof oo dhimasho ah iyo ilaa 7 dhaawac ah.

Salaadiin, waxgarad iyo Odayaal ayaa ka hawlgalay sidii loo dejin lahaa rabshadahaa oo ka dhashay natiijada doorashada degmada Hargeysa ee golaha deegaanka oo lagu dhawaaqay xalay habeen hore fiidkii, iyadoo ay boqolaal dhalinyaro ah oo ka mid ahTaageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor isugu soo baxeen wadooyinka xaafadaa iyo afaafka hore ee Biriishka magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay ayaa la geeyay Cusbitaalada Adna, Gar-gaar iyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ugu baaqay dhlinyarada inay is dejiyaan, wuxuuna xukuumadda ku canbaareeyay inay iska ilawday inay ka hadasho waxa soconaya. sidoo kale wuxuu balanqaaday in taageerayaasha Xaqsoor aanay marnaba samaynayn wax waxyeelaya nabadgelyada iyo midnimada Somaliland, maadaama ayuu yidhi dadka Ururka hogaaminayaa ay yihiin dadkii bud-dhiga u ahaa nabadgelyada iyo midnimada ay Somaliland ku faanto, isagoo xusay inay wixii cadaalad-daro, musuq-maasuq iyo dulmi ah ee ay tirsanayaan ay u marayaan wadada sharciga ah.

Dhinaca kale Salaadiin ay hogaaminayaan Suldaan Maxamed C/qaadir, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed iyo salaadiin kale, kuwaas oo boqolaal dhalinyaro ah saaka barqadii kula hadlay garoonka kubada Cagta ee Hargeysa Istadum, isla markaana ugu baaqeen inay joojiyaan rabshadaha, balse cabaar ka dib ayay mar kale kooxo dhalinyaro ahi dib u bilaabeen rabshadihii, laakiin ciidamada Booliska ayaa kala caydhiyay, iyadoo maanta gelinkii danbe ay xaaladu degantahay, waxaana agagaarka xafaada rabshaduhu ka socdeen hada la wareegay ciidanka Milateriga oo gacanta ku haya amaanka xaafadaa. 

Intii ay xalay ka socdeen Rabshadahu  xaafada Axmed Dhagax ee Koonfur galbeed  ee Hargeysa, waxa  ka bilaabmay xaafadaha kale ee magaalada qaarkood  dabaal degyo ay Xildhibaanada kusoo baxay Liiska Golaha Deegaanka Hargeysa iyo taageerayaashoodu ay ku marayeen wadooyinka magaalada qaarkood.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *