Ceergaabo(ANN)Komishanka doorashooyinka ee degmadda Ceergaabo ayaa caawa ku dhawaaqay natiijadda hordhaca ah ee doorashadda deegaanka ee 28 Nov, ka dhacday dalka iyo tirada kuraasta ay ka kala heleen Ururada ku tartamayay doorashadaa golaha deegaanka ee
Degmada Ceergaabo oo ka mid ah degmooyinka derejada A.Degmada Ceergaabo tirada guud ee dadka ka codkooda dhibtay lagu sheegay 66,988 . Iyadoo kuraasta 21-ka Xildhibaan ee Golaha deegaanka Ceerrgaabo iyo codadka ay u kala heleen Ururadu sidan:-
WADDANI, wuxuu helay tiradada codadka degmada 18828 cod, wuxuuna helay 6 kursi
Kulmiye wuxuu helay tiradada codadka degmada 15866 cod wuxuuna helay 5 kursi
UMMADA wuxuu helay tiradada codadka degmada 13919 cod, wuxuuna helay 4 kursi
Rays wuxuu helay tiradada codadka degmada 5114 cod, wuxuuna helay 2 kursi
UCID wuxuu helay tiradada codadka degmada 5658 cod, wuxuuna helay 2 kursi
Xaqsoor wuxuu helay tiradada codadka degmada 4898 cod, wuxuuna helay 1 kursi
Dalsan wuxuu helay tiradada codadka degmada 2714 cod, wuxuuna helay 1 kursi
Dhinaca kale Degmada Ceergaabo ayaa noqonay degmadii labaad ee derejada A lagu dhawaaqo, iyadoo Degmooyinka Berbera, Burco, Gebilay iyo Hargeysa weli ay socdaan tirooyinka codadka, kuwaas oo la filayo qaarkood in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com