images/stories/s20iyo20.jpg Hargeysa (ANN) Madaxweynii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta dalka ka baxay safarkiisii u horeeyay, wixii ka danbeeyay tan iyo markii lagaga guulaystay tartankii doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee qabsoontay 26kii June 2010.
Mr. Rayaale waxa madaarka ku sii sagootiyey tobaneeyo ka mid ah kooxdii wasiiradda xukuumadiisa, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay ay qaarkood kulamo gaara lahaayeen.
Daahir Rayaale Kaahin oo maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, ayaan la ogayn halka uu safarkiisu ku jihaysan yahay iyo inuu dib usoo laabanayo, isla markaana waxa jira warar is-khilaafsan oo ku saabsan halka uu ku socdo Madaxweynaha dhowaan xilka wareejiyay, iyadoo ay jiraan wararka tibaaxo la xidhiidha safarkiisa oo sheegaya inuu ku waajahanyahay dalka Imaaraadka Carabta, halka warar qaarna sheegayaan inuu socdaalkiisu ku wajahan yahay dalka Faransiiska oo ay isaga iyo qoyskiisu hore uga dalbadeen deganaansho.
Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inuu dhinaca dalka Emiratka ku sii hakan doono, halkaas oo ay ku sugan tahay marwadiisa oo iyadu dalka ka dhooftay maalmo yar ka hor intii aanu xil wareejinta samayn Rayaale.
Mr. Rayaale ayaa hore u sheegay ka hor intii aanu xilka wareejin, balse lagaga guulaystay doorashada inuu joogi doono wadanka oo aanu ka baxayn. Laakiin waxa uu carabka ku dhiftay inuu booqan doono caruurtiisa, iyadoo qoyskiisu sanadii u danbeeyay deganaa dalka faransiiska.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com