images/stories/gghghh 5.jpg Hargeysa (ANN) Qiimaha maceeshada qawtal daruuriga ah ayaa maalmihii u danbeeyay si weyn kor ugu kacay suuqyada magaalooyinka Somalilan. Qaar ka mid ah dadka ka ganacsada Raashinka ee ganacsatada Bakhaarada ayaa ku tilmaamay kor u kaca maceeshada ee xiligan mid ay sabab u yihiin ganacsatada waaweyn ee soo dejiya Raashinka oo ay ka iibsadaan Bakhaarleydu Raashinka.
Raashinka daruuriga Qiimihiisa ayaa kordhay maalmihii u danbeeyay, iyadoo kiishka 50kg ee daqiiqda ah lagu iibinayay $33, halka 50kg ee Bariiska ah maanta qiimihiisu marayey $32, isla markaana qiimaha Tanakada Timirta ah ayaa lagu iibinayay $15, iyadoo Sonkortana uu qiimaheedu si weyn iyada kor ugu kacay labadii bilood ee u danbeeyay, taas oo ay 50kg marayaan $40.5, halka jawaanka Dhuxushuna uu marayo qiimo dhan 30, 000 SL shillin ah oo ku dhow $5 dollar.
Kor u kaca Raashinka qawtal daruuriga ah ayaa ku soo beegmay xilli ay soo gashay bishii barakaysan ee Ramadaan oo wax ka yar laba maalmood inaga xigaan, taas oo wel wel hor leh ku abuurtay dadweynaha dan yarta ah, kuwaas oo aan iibsan karin Raashin qiimihiisu kor u dhaafayo dhawr iyo afartan dollar, iyadoo korodhka qawtal daruuriga ah ee kor u kacay ay saamayn ku yeelanayso nolosha Bulshada Somaliland oo marka horeba la daalaa dhacay duruufaha dhaqaale iyo shaqo la,aanta.
Sidoo kale xilliga bisha barakaysan ee Ramadaanta waxa kordha isticmaalka Raashinka, iyadoo ay jiraan Cuntooyin xiliga bisha barakaysan ee Ramadaanta isticmaalkoodu kordhaan, iyadoo diyaar garowga bisha Ramadaan oo si wayn looga dareemaayo magaaladda Hargaysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee korodhka Raashinka qawtal daruuriga ah ee kusoo beegmay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isla markaana ma jirto wax talaabo oo ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ilaa hada ka qaaday cabashada dadwaynaha ee la xidhiidha sixir bararka qawtal daruuriga ah.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com