Hargeysa(ANN)Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay jiraan dad cadow ku ah deganaanshaha iyo xasiloonida Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay ku sugan dalka gudihiisa iyo debediisaba, balse lagaga baxsan karo ama
lagaga guulaysan karo oo kaliya wada-jir, isagoo ugu baaqay dadka dhibaatada wadda inay umadda ka daayaan dibin-daabyadda, wuxuuna si gaar ah fariin ugu diray Saxaafadda Somaliland.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaa ka sheegay khudbad uu salaadii ciida ka jeediyay Masjid Jaamaca Magaaladda Hargeysa oo uu dadwaynaha kula tukaday. sidoo kale madaxweyne Siilaanyo shacabka ku hambalyeeyay ciida, isagoo yidhi, “Dadwaynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aniga oo ku hadlaya Magaca Qaranka Somaliland waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan, Illaahay waxaan ka baryayaa inuu sanadka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, shacabkana waxaan u rajeynayaa sharaf iyo qiimo” ayuu yidhi.
“Waxaan umadda reer Somaliland meel ay joogaanba ugu baaqayaa inaynu ilaashano qaranimadeena, wada-jirkeena iyo midnimadeena, waxa jira cadow badan oo dhibaato ku haya daganaanshaheena, cadowna inagu ah guddo iyo dibadba, taana waxaynu kaga baxsan karnaa, ama ku guulaysan karnaa waa midnimo iyo wada-jir”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, waxaanu isagoo dadweynaha u diraya baaq yidhi, “Markaa waxaan jeclaan lahaa oo aan ku guubaabinayaa aadna ugu baaqayaa dadwaynaha reer Somaliland iyo saxaafaddaba inay wanaag iyo midnimo u horkacaan dadkooda oo aanay dadka iyo dawladooda aanay naxli iyo xumaan la kala dhex dhigin, ummadana aan la iska horkeenin ayaan codsanayaa” Ayuu ku yidhi Madaxweynaha Somaliland hadal kooban oo uu ka jeediyay Masjidka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliso Marwadiisa, ayaa salaada ka dib booqday xarunta lagu xanaaneeneeyo caruurta ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu cabaar ku hakaday. ka hor intii aanu ku laaban qasriga madaxtooyada.