Berbera(ANN)Guddoomiye Ku xigeenkii sadexaad ee Urur siyaasadeedka WADDANI Cabdillaahi Siciid Ismaaciil (C/Laahi Siciid Dheere), ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay tuuladda Abdaal ee u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.
Shilkaa waxa kale oo ku dhaawacmay laba masuul oo kala ah Guddoomiye Ku xigeenka afraad ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo dhaawaciisu fudud yahay iyo Xildhibaan Cali X. Maxamed oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, isla markaana ka mid ah Gudida fulinta ee Ururka WADDANI.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah Alle ha u naxariistee Guddoomiye Ku xigeenkii sadexaad ee Urur siyaasadeedka WADDANI oo dhaawac culus ahaa ayaa ku geeriyooday jidka intii aan la gaadhsiin cusbitaalka Hargeysa, balse labada masuul ee kale ayaa dhaawacooda la gaadhsiiyay Cisbitaalka Hargeysa, halkaas oo lagu dawaynayo.
Sarkaalka geeriyooday iyo labada masuul ee dhaawacmayba waxay ku sii socdeen soo dhawaynta Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, isla markaana ah gudoomiyaha Urur siyaasadeedka WADDANI, C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi oo kasoo degayay madaarka Magaalada Berbera ka dib markii uu socdaal muddo qaatay ku tagay dalka Ingiriiska.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com