Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee Dalka Ugandha, isagoo kullamo la qaadan doona Hogaamiyaha dalkaa Yoweri Musaveni.
Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalaya dabaal deg loo samaynayo sanad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii Ugandha ay xoriyadeeda ka qaadatay gumeystihii dalka Ingiriiska. Socdaalkan oo ah kii u horeeyey ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii la doortay 10 Sep 2012.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir jar’aaid ku qabtay gegida dayuuradaha ee Muqdisho ka hor intii aanu dhoofin ayaa sheegay inuu madax caalamka ka socta kulmi doono munaasibadaa.
Dhinaca kale, intii uuna ka bixin dalka, waxa Madaxweynuhu uu Aqal Madaxtooyada kula kulmay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Akmaludine Oglo.
Madaxweynaha Somalia ayaa ka mid noqonaya Madaxda 14-dal oo ka qeybgalaya dabaal degaa, waxaana wehliya Wafdi Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan.
Dalka Ugandha ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo fara badan oo qeyb ka ah Ciidamada Afrikaanka ee taageera dawlada Somalia, kuwaas oo dagaal kula jira kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Somalia.