Berbera(ANN)Faysal Cumar Mushteeg oo ahaa fanaan caan ah oo si weyn looga yaqaanay geriyaga Soomaalida, isla markaana ahaa macalin kasoo qaybqaatay bilawgii tacliinta iyo waxbarashada Somaliland ayaa caawa ku geeriyooday magaalada berbera oo maanta la geeyay si loogu qaado dhakhtar dibadeed. kadib
Allah haw naxariistee Marxuum Faysal Cumar Mushteeg waxa mudooyinkii u danbeeyay lasoo dersay xaalad caafimaad-daro, waxaana horaantii August 2012 la dhigay cusbitaalka guud ee Hargeysa, balse maanta ayaa dhinaca magaalada Berbera loo qaaday si loogu diro dhakhtar debedeed, iyadoo dhinaca kalena la doonayay inuu ka mid noqdo fannaaniin, abwaano iyo suugaanyahano booqasho ugu socday dalka Britain. laakiin marxuumka oo xaaladiisa caafimaad kasoo daraysay, waxa qorshuhu ahaa inay ka dhoofaan madaarka Berbera, balse waxa uu geeriyooday intii aanay fuulin diyaaradii ay raaci lahaayeen isaga kooxda ay booqashadaa ku wada qornaayeen, waxaana maydkiisa loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa.
Marxuumka oo ka mid ahaa fannaaniinta sida weyn heesohooda looga dhegeysto geyiga dhulka Soomaalidu degto, isla markaana ahaa macalin meelo badan kasoo shaqeeyay oo door ku lahaa tacliinta iyo waxbarshada Somaliland, wuxuu caan ku ahaa heesaha qaaciga, wuxuuna lahaa cod gaara oo xabeeb ah, kaas oo dad badani xiiseeyaan.
Alla haw naxariistee Marxuum Faysal Cumar Mushteeg oo maydkiisa caawa loo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa, waxa la aasi doonaa maalinta beri ee Jimcaha ah.
Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhu Raajiciin
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1