Hargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufutay qodobo ka mid ah heshiis nabadeed ay maalintii shalay wada gaadheen qaar ka mid ah saladiinta Togdheer iyo deegaanka Buuhoodle, kaas oo qodob ka mid ahi khuseeyay ciidanka qaranka somaliland ee ku sugan jiidaa. Balse xukuumadu waxay soo dhowaysay heshiiska intiisa kale. Sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyadda, isagoo yidhi, “xukuumadu waxay soo dhaweynaysaa qaar ka mid qodobada nabadgelyada ee ay labada dhinac wada gaadheen,
balse wuxuu si cad u sheegay inaanay farogelin karin arrimaha ciidamada qaranka oo ah mid u taalla xukuumadda Somaliland.
wuxuuna Afhayeenku ku bilaabay hadalkiisa sidan:” Waxa jira shir ay dhawaan madaxdhaqameedka Burco iyo Buuhoodle ay deegaankooda kaga hadleen arrimmo nabadgelyo, waxaanay isku afgarteen qodobo caawinaya nabadgelyada deegaankaas, waxaanay ku soo qaadeen qodob ciidanka qaranka oo sida muuqata aanay xaq u lahayn inay ku darsadaaan ajandahooda, xukuumadda Somaliland oo u taagan nabadgelyada waxay soo dhawanaysaa dhaq dhaqaaq kasta oo nabadgelyada lagu xoojinayo, xukuumadu waxay si cad u sheegaysaa arrimaha ciidmamadu inaanay ahayn mid laba kooxood, ama laba shakhsi ay ka talin karaan ee u taala xukuumadda Somaliland.” Ayuu yidhi Cukuse.
Wuxuuna xusay inay xukuumadu taageerayso dhaqdhaqaaq kasta oo lagu raadinayo nabadgelyo, isagoo yidhi, “Xukuumadu waxay mabda’iyan taageersantahay dhaqdhaqaaq kasta oo u adeegaya nabadgelyada iyo madaxdhaqameedka oo ay u hayso isxtiraam, waxay xukuumadu si cad u sheegaysaa in arrinta ciidanku tahay mid ay iyadu leedahay oo wasaaradda gaashaandhiga iyo arrimaha debeda ee aanay ahayn mid uu taalla.” By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com