Adis-ababa(ANN)Maydka Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia ayaa lagu wareejiyey jidadka Magaaladda Addis-ababa, ka hor intii aan la aasin maanta, iyada oo ay jidadka taagnaayeen kumanaan dadwayne oo aad uga murugaysan geerida hogaamiyohoodii Meles Zenewi, kuwaas oo sitay
sawirada Raysal wasaarihii hore ee dalkaa Meles Senewi oo muddo laba todobaad ka hor ah ku geeriyooday dalka Bilguim, balse maanta loogu sameeyay aas qaran Magaaladda Addis-ababa.
Markaa ka dib ayaa maydka Meles Zenewi ayaa la dhigay fagaare lagu magacaabo Masker, kaas oo ku yaala badhtamaha Addis-ababa, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyay madaxda caalamka oo ay ku jiraan labaatan hogaamiye oo Afrikan ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Jamhuuryadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxayna madaxdaasi u tacsiyeeyeen shacabka dalka Ethiopia.
Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa Aaska Meles Zanewi madaxweynayaal ka socday in ka badan 20 dal oo Afrikaan ah, mas’uuilyiin horay xilal uga soo qabtay Afrika iyo kuwo kale, kuwaas oo sheegay in Zenawi uu ahaa halyey ka baxay Afrika.
Markaa ka dib ayaa Raysal-wasaarihii hore ee Ethiopia oo geeriyooday isaga 57 jir ah, waxa lagu aasay Kaniisad ku taala Addis-ababa oo ay ku aasan yihiin dad madax ka soo noqday dalkaa oo uu ka mid yahay boqorkii ugu danbeeyay ee xukuma dalkaa cahdigii Boqortooyada Ethiopia Hayle Salaase, iyada oo maydka Meles halkaas lagu geeyay gaadhi Impalas oo ay hareero socdeen Fardo la sharaxay iyo mootooyin aad u faro badan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com