Laascaanod(ANN)Gaadhi Booyad ah oo nooca Biyaha qaada ah, ayaa lala beegsaday qarax. Kadib markii gaadhigaa oo marayay Koonfurta Magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, kaas
oo aan wax khasaare ahi ka dhalan.
Wararka qaar ayaa sheegayaa in gaadhigaa Booyada ah oo uu lahaa nin shicib ah, waxaana khasaare soo gaadhay gaadhiga, iyadoo qaraxa la rumaysanyahay inuu ahaa kuwa sheeda laga maamulo.
lama garanayo sababta qaraxa loola beegsaday gaadhigaa, wuxuuna qaraxu kusoo beegmay xili lagu jiro diyaar garawga ciida, iyadoo magaalada Laascaanood dhawrkii sanadood ee u danbeeyay lagu dilay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaas oo ugu danbeeyay xisaabiyihii gobolka oo dhowaan lagu dilay magaalada Laascaanood. Kadib markii dablay aan la aqoonsani la beegsadeen tacshiirad rasaas ah.
Dilalka qorshaysan iyo qaraxyada, ayaa sanadii u danbeeyay ka socday magaalada Laascaanood, kuwaas oo aan intooda baddan waxba qaban.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com