Hargeysa (ANN) Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah dadweynaha magaalada caasimada ah ee hargeysa ku dhaqan, kuwaas oo ka socday qaybaha bulshadu ka kooban tahay. Xubnaha wasiirada xukuumada cusub ee kulanka ka qayb galay oo kala ahaa Wasiirada Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Caafimaadka Dr. Xusseen Maxamed Maxamuud iyo Xanaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday. Iyadoo dhinaca Bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi Jeex Dadka ka qayb galay isugu jireen Culimaa’udiin, Xildhibaano golaha Guurtida ka tirsan, Salaadiin, Aqoonyahano iyo Dhalinyaro.
Kulankaa oo ujeeddadiisu ahayd waxa ummaddu ka fili karto xukuumada cusub iyo waxa bulshada la gudboon, waxa uu ka dhacay lagu Huteelka Ambasadoor ee magaalada Hargeysa, Waxayna xubnaha wasiirada iyo dadkii dhinaca bulshada ka socday isku waajaheen doodo iyo su,aalo la xidhiidha mawduuca ujeedada kulanka, iyadoo xubnihii u hadlay bulshadu ay ka dhawaajiyeen in xukuumada looga fadhiyo in ay ummadda ku maamusho caddaalad, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay ta qof walba deeqda. Sidoo kale waxay xuseen in xukuumada cusub looga baahanyahay waxqabad iyo horumar la taaban karo oo isbedel ku keena bulshada noloshooda iyo daacadnimo ay ugu adeegaan ummadda Somaliland.
Xubnaha ka socday bulshadu waxay wasiirada u sheegeen in shacabku la shaqeynayo oo garab istaagayo xukuumada, si loo gaadho hadafka midka ah ee la wada leeyahay, kaas oo ah Somaliland oo noqota dal horumar wayn gaadha.
Wasiirada ayaa iyana dadkii kulan ka soo qayb galay u sheegay, inay inta itaalkooda ah dadaalayaan, iyaga oo carabka ku adkeeyey inay kor u qaadayaan arimaha nabadgelyada, caafimaadka iyo xoolaha oo ka mid ah hawlaha khaaska ah ee ay xukuumada uga wakiilka yihiin xubnahaa wasiirada ah. Balse waxay sheegeen inay lagama maarmaan tahay inay garab istaagaan oo ay iyana u baahan yihiin hiil iyo talo mar walba inay Bulshada ka helaan.
Kulankaa dadkii ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xusseen “Cabdi Waraabe” oo ka tirsan golaha Guurtida, wuxuuna doodo iyo ku waajahay xubnahaa wasiirada ah, iyadoo uu Dr. Gaboose oo ah wasiirka arrimaha guduhu weedhaha ka imanayay Cabdi waraabe jawaabtooda bixinayay.
Kulanka noocan ah ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee xubno ka tirsan xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo la yeelato qaybaha Bulshada.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office