Hargeysa (ANN)Dhegeysiga dacwada loo haysto Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo maanta la filayay in lasoo geba-gebeeyo, ayaa yeelatay weji kale. Kadib markii dacwad oogayaasha ka socday xeer ilaalintu ku guuldaraysteen inay Maxkamadda hor keenaan
markhaatiyo ku filan si loosoo afjaro dacwadaa oo soo jiitantay.Gobolka Hargeysa, ayaa dhegeysatay maanta dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow dacwadiisu dib uga bilaabantay Maxkamadda Isniintii lasoo dhaafay. kadib markii uu mudo afar bilood ah ku xidhnaa xukun la’aan xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Ciidmada amaanka ayaa subaxnimadii hore xidhay wadooyinka maxkamadda, waxaana xili hore la keenay Boqor Cismaan oo si weyn loo ilaalinayo, iyadoo dadweyne tiro badani soo buuxiyeen barxada iyo duleedka maxkamadda gobolka, kuwaas oo inyar oo ka mid ah loo ogolaaday galaan hoolka dacwada, balse waxa aan loo ogolayn warbaahinta oo danaynaysay dhegeysiga dacwadaa.
Garsooraha kiiskaa qaadaya Cismaan Fanax oo ah kii labaad ee gala dacwada Boqor Buur-madaw, ayaa hore ugu sheegay laba fadhi oo kan ka horeeyay inay xeer Ilaalintu horkeento maxkamadda markhaatiyo ku filan si loo geba-gebeeyo kiiskaa. Laakiin markii ay saaka xeer ilaalintu markii sadexaad ku fashilantay inay markhaatiyo keento, ayaa dib loo dhigay qadar saacad ah xiliggii fadhiga maanta bilaabmi lahaa.
Hase yeeshee markii ay xeer Ilaalintu waxba keeni weyday, waxay ku doodeen in maxkamaddu waaran u goyso qaar ka mid ah warbaahinta iyo af-hayeenka Madaxtooyada oo ay u qabsadeen inay kiiskaa ka noqdaan markhaati, taas oo suurta gal noqonweyday.
Qareenada u doodya Boqor Cismaan, ayaa ka codsaday Garsooraha maxkamadda inuu laalo dacwadaa, maadaama ay xeer ilaalintu ku guuldaraystay inay cadaymo ugu filan denbi hor keenaan maxkamadda markii sadexaad. Sidaa awgeed waxay ku doodeen in maxkamaddu iyadoo cuskanay qodobka 155, laalsho dacwadaa, ama ay ku go’aan qaadato waxa horyaala. Laakiin waxa is bedeley jawagii uu garsooruhu ku hagayay dacwada oo maanta la filayay inay go’aan ka qaadato. Kadib markii xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aaden soo galay hoolka dacwadu ka socotay, taas oo garsooruhu u arakay culays kaga yimi dhinaca xukuumadda ee dacwada wadata, wuxuuna ku celiyay dacwada halkii ay ka bilaabantay. Kadib markii Xeer Ilaaliyaha guud oo soo galay ku wargeliyay garsooraha in Maxkamaddu markhaatiyada iman waayay qoraal yeedhis ah u dirto. Haddii ay diidaana talaabo laga qaado.
Garsooraha, ayaa sheegay in dhegeysiga dacwadu wejigii labaad marayo, sidaa awgeed ay doonayaan in lasoo geba-gebeeyo, balse wuxuu qaatay garsooruhu go’aan ah inuu raaco dooda xeer Ilaaliyaha guud, wuxuuna dacwada u jiheeyay weji kale oo ah dhinaca saxaafada, isagoo mudeeyay maalinta Arbacada ee soo socota. Sidaana waxa lagu xidhay fadhigii dacwadaa.
Fadhiga maanta ee dacwadaa ayaa gebi ahaan isu bedelay mid siyaasadeed, iyadoo ay qaar ka mid ah dadkii la socday dhegeysiga dacwada ku tilmaameen mid aan marnaba looga fadhiyin cadaalad, waxayna warar ku dhow dhow qareenada u doodayay Boqor Cismaan Buur-madaw sheegayaan inay ka baxayaan difaaca dacwadaa oo ay u gudbinayaan maxkamadda qoraal ay ugu sheegayaan inay ka baxeen difaaca kiiskaa, iyagoo ku doodaya in faragelin qaawan lagu hayo kiiskaa, isla markaana ay xeer Ilaalinta iyo laanta baadhista denbiyadu ku guuldaraysteen inay mudadii uu xidhnaa Boqor Cismaan oo ka baddan afar bilood iyo intii dacwadu socotayba maxkamadda hor keenaan markhaatiyo ku filan eedaha loo haysto iyo cadaymo toona.
Dhinaca kale Qareenada U doodaya Boqor Cismaan oo haa Garyaqaan Barkhad Iyo Maxamed Faarax, ayaa noqonaya haddii ay iska casilaan qareenimada kiiskaa kooxdii labaad ee iska casila Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, taas oo dib u dhac ku yimi bishii May, 2012, Kadib markii Qareenada difaacayay ka baxeen inay difaacaan, kuwaas oo ku sababeeyay ka bixistooda dacwad oogayaasha xeer Ilaalinta ka socday oo u hogaansami waayay go’aan garsooraha maxkamadda ee xiliggaa qaadayay dacwadu ugu sheegay inay is waafajiyaan eedaha Boqor Cismaan ee dacwadaa iyo qodobada ay u cuskadeen, balse markii ay fadhigii labaad lasoo noqdeen ay ka baxeen qareenadu, iyagoo ku dooday in dacwadaa la siyaasadeeyay. Iyadoo garsooraha kiiskaa qaadayaa uu noqonayo kii labaad ee ka noqda garsoore.
Boqor Buur-madaw, oo markaa ka dib Maxkamaddu u yeedhay, ayaa diiday bishii May ee lasoo dhaafay inuu horyimaado, isagoo ku dooday inaanu kusoo laabanayn ee uu xabsiga ku jirayo ilaa inta uu ka arkayo maxkamad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan siyaasada, wuxuuna ka dalbaday in xukunkiisa loogu keeno xabsiga, balse maalmihii lasoo dhaafay, ayaa lagu qanciyay Boqor Buur-madaw inuu kusoo laabto maxkamadda, iyadoo qareeno cusub uu dalbaday. Laakiin saaka dacwada Boqor Buur-madaw oo markii sadexaad dhegeysigeeda la doonayay in lasoo geba-gebeeyo, ayay mar kale yeelatay weji cusub. Kadib markii ay wax badani iska bedeleen jawagii ay ku socotay labadii fadhi ee ka horeeyay.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo mudo ka baddan Afar bilood ku jira xabsiga dhexe ee hargeysa, ayaa ciidamo Boolis ahi ka qabteen Badhtamihii March xili uu dalka kusoo laabanayay madaarka Hargeysa, waxaana tan iyo waqtigaa soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha caalami ah ee xuuquqda Aadamada , waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland oo horaantii May kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw. Laakiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa dheggaha ka furaystay dhamaan baaqyada debeda iyo gudahaba kaga imanayay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com