qaar ka mid ah dadka deegaanka dablaydaa oo wadatay laba gaadhi oo nooca loo yaqaan Surf, waxay tacshiirado rasaas ah huwiyeen dad shicib ah, waxayan goobta ku dileen laba qof, iyagoo ilaa Afar qof oo kalena dhaawacyo u geystay, kuwaas oo eryanayay gaadhi jaadle ah oo deegaanka marayay, waxayna ku dileen hal qof, iyagoo mid kalena dhaawac u geystay, waxayan wararka qaar sheegayaan in tirada dhimashada iyo dhaawacu intaa ka badanyahay, isla markaana ay kaxaysteen gaadhi.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay ciidamo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland gaadheen xalayba halkaa, balse Kooxda dablayda ah ee weerarka geysatay, ayaa ka mid ah malayshiyada nabaddiidka ah ee Khaatumo, kuwaas la sheegay in markii ay dadka laayeen ay halkaasi ka firxadeen. Kadib markii ay ka war-heleen in cutubyo ka tirsan ciidamada qarankanka Somaliland ay soo baxeen Oog iyo Yagoori.
Maleeshiyaadka ayaa la sheegay inay u talaabeen dhinaca degmada Xudun ee gobolka Sool, iyadda oo markaa ka dibna ay ciidamada qaranku gaadheen halkii ay dadka ku laayeen ee Tuulada Gows-weyne oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Gar-adag ee gobolka Saraar.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1