Hargeysa(ANN) Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay inaanu waxba kala socon wadahadalada xukuumadda uu ka tirsanyahay ee Somaliland la yeelanay Somalia. C/raxmaan Saylici
oo shalay kusoo laabtay dalka. kadib markii uu socdaal laba todobaad ah ku maqnaa dalka Swedan, ayaa ka gaabsaday su’aalo laga weydiiyay waxyaabaha ay Somaliland iyo Somalia ka wada hadlayaan, isla markaana wuxuu sheegay inaanu sheegi karin inuu jiro ajande qoran oo ay Somaliland la tegeyso wadahadaladaa oo Arbacada beri ka furmaya London.
Madaxweyne xigeenka Somaliland, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu shalay siiyay Laanta afka-somaliga ee Ideecada VOA-da ka hor intii aanay dalka ku soo laaban, wuxuuna mar la weydiiyay ahmiyada uu wadahadalkaasi u leeyahay dhinacooda Somaliland, yidhi, “Wada-hadaladaasi waxaanu u aragnaa kolay inay muhiim yihiin, waayo waxaanu ahayn laba dal oo walaalo ah oo wax wada lahaa mudo labaatan sanadood ku dhaw, markii horena laba Mustacmaradood kala gumaysanayeen, markaa waa muhiim in labadii dal ee wax wada lahaa wada-hadlaan,”.
Sidoo kale Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Selici oo la weydiiyay halka wax laga bilaabayo iyo inay jiraan cid aan labada dhinac Somaliland iyo Somalia ahayn oo ku dhex jirta waxa uu yidhi, “kolay hawshu waxay u badantahay in dawladaha shisheeye goobta lagu wada hadlayo diyaarinayaan, goob joogna ay ka noqonayaan, laakiin wada hadalku wuxuu ka dhaxaynayaa Somaliland iyo Somaliya.
Hadalku marka laguula yimaado ayuu imanayaa, laakiin hada ku odhan kari maayo halkaas ayaa wax laga bilaabayaa, markaa dee markuu ragu isku yimaado ayuu nin waliba fikirkiisa iyo talada uu qabo yeelanayaa.”
C/raxmaan Seylici oo ka jawaabayay aragtidiisa waxa ay Somaliland ka helayso shirkaa ee faa’ido ah iyo inuu jiro ajande qoran oo ay la tagtay, wuxuu yidhi, “horta annigu dalkii waxaan ka soo maqnaa mudo 17 maalmood ah , runtiina waraysi badan umaan helin inaan la xidhiidho madaxweynihii iyo xukuumaddii markaa ajandahaasi inuu qoranyahay iyo in kale kama warami karo.
Somaliland ahaanse, waxaanu jecelnahay in Walaalahayaga Somaliya ay nagu taageeraan dawladnimadii lixdankii aanu ula tagnay oo aanu maanta doonayno inaanu kala soo noqono, sababtoo ah waad ogtahay dhibaatooyin baddan baa jira, dadkuna aqoon ayuu leeyahay oo waa la horumaray, markaa waxaanu jecelnahay inaanu noqono labada dawladood oo Soomaliyeed oo jaar ah, iyaguna sidaa nagu taageeraan, waana kaas go’aanka shacbiga oo ah ta nalugu doortay ah ee aanu dalka ku hogaaminayno..”
Sidoo kale mar la weydiiyay Madaxweyne xigeenka haddii ay Somalia ku doodo inay doonayso midaw danbe, balse ay xaalmarin ka bixinayaan wixii dhacay xiliggii midawga, ama ku doodaan Somalia lixdankii idinkaa yimi maantana anagaa idiin nimi ee sidaa ku qaata midnimo, waxa Somaliland uga meel yaal, wuxuuna isagoo arrimahaa ka jawaabaya yidhi, wuxuu yidhi, “kolay taasi weftiga ayay u taalaa oo raga mudakarka ah ee la diray ayaa ka jawaabi doona, waxaana la yidhi laba talaabo dhexdooda ayay talo ka dhalataa oo ka horka dhici maayo, kuna odhan maayo maya, ama haa ayaanu odhanaynaa, laakiin anigu waxaan kuu sheegay uun Hilimada shacbiga reer Somaliland inay tahay inay dawlad madaxbanaan noqdaan oo ay si mutadawacnimo ah kula soo noqdeen dawladnimadoodii, sidaasi oo kalena ay ula hadlayaan maanta iyagoo dawlad ah.
.
Mar la weydiiyay Dastuurka Somalia loo sameeyay ee aan weli la ansixin iyo aragtidiisa haddii la raaco qodoka sheegaya laba gobol oo midoobaya, ama kala baxay oo afti loo qaadayo, wuxuu yidhi, “Haddii ay Dantu kalifto weeye , laakiin waxa weeye kolay dastuurku iminka maaha mid aanu u dhanahay oo Somaliland iyo Somaliya wada khuseeya ee inta badan waxa uu khuseeyaa Somaliya, waxaanan jecelnahay walaalahayaga Somaliya inay na soo gaadhaan oo halka aanu joogno soo gaadhaan, oo dhibaatooyinka jira ay ka takhalusaan , markaa markay na soo gaadhan ee iyagoo dawlad ah dimuquraadiya sidayada oo kale wixii talo ah ee la gaadhayo waa la gaadhi , wixii wax lagu wanaajin karo, laakiin midnimada Somaliya waxaan cunfi ahayn ma keenaysee in si walaalnimo leh lagu kala baxo ayaanu jecelnahay.” Ayuu yidhi C/raxmaan Seylici.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com