Garoowe(ANN)Maaumul goboleedyada Somalia ee Puntland iyo Gal-mudug, ayaa ku gacansaydhay inay ka qaybgalaan shirka Arrimaha Sooomaaliya ee loo qorsheeyay in lagu qabto Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 31 May 2012. Sida lagu sheegay
qoraal saxaafada loogu talo galay oo ay horjoogayaasha labada Maamul goboleed wada jir usoo saareen maanta, waxay shirkaa ku tilmaameen inuu yahay mid dhinac ka raran oo aan bulshada Soomaaliyeed waxba laga weydiin, isla markaana aan la garanayn doorka xukuumadda Ankara ee Turkigu ka ciyaarayso arrimaha Soomaaliya iyo Ujeedooyinka ay ka leedahay.
Qoraal saxaafadeedka ay wadajirka usoo saareen Puntland iyo Gal-mudug oo ay ku saxeexan yihiin labada horjoogayaasha labadaa Maamul goboleed C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole ) iyo Maxamed Axmed Caalin waxay si cad ugu sheegeen inay ka laabteen oo ay faraha kala baxeen, ka qaybgalka shirkaa, iyagoo ku dhaliilay shirka Isatanbul II, inuu yahay mid majarihii ka leexiyay Heshiisyadii hore, isla markaana wado cusub jeexaya.
Dhawaaqa labada maamul ay ku qaadaceen shirka istanbuul, ayaa kusoo beegmay iyadoo ay Somaliland aqbashay inay qayb ka mid ah shirkaa ka qaybgelay. kadib markii wax laga bedelay maqaamka lagu casuumay. sidoo diidmada labada maamul ee shirkaa ayaa timi maalin kadib markii dawladda Trkigu Diyaarad ku daabushay Odayaasha dhaqanka ee shirka la doonayay in lagu soo xulo ergada dastuurka ansixinay uga socday Muqdisho, kuwaas oo ay dawladda Ethiopia maamulaysay, balse dawladda Turkigu shalay dalkeeda geysay, iyadoo aan waxba kala socodsiin dawladaha ku hawlan arrimaha Somalia iyo xukuumada taagta daran ee Somalia oo iyana sheegtay inaanay waxba kala socon sababta ay Odayaashaa u qaaday dawladda Turkigu.
Talaabada ayaa ka cadhaysiisay wadamada gamcaha kula jira siyaasada Somalia qaarkood oo u arkay Turkiga inuu keligii maroorsaday arrimaha Somalia. waxaana suurta ah inay dhawaaqa maamulada Puntland iyo Galmudug ku qaadaceen shirka Istanbuul xidhiidh la leedahay loolanka wadamada ku hirdamaya Arrimaha Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com