Boorama(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa kusoo laabtay Magaalada Hargeysa. Kadib markii uu booqasho saacado qaadatay ku tegey saaka subaxnimadii hore Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay socdaalkaa ku weheliyeen Wefti ka tirsan xukuumaddiisa iyo golayaasha Baarlamaanka, wuxuu xadhiga ka jaray Afar Km oo ah wadada isku xidha Dila iyo Boorama oo ay Xukuumadu dhismaheeda fulisay. Sidoo kalena wuxuu dhagax-dhigay Lix Km oo kale oo lagu kordhinayo wadadaa oo dhowaan la bilaabayo.
Madaxweyne Siilaanyo intii aanu kusoo laaban Hargeysa, waxa kale oo uu dhagax dhigay 8 km oo ka mid ah wadada xidhiidhisa Goraya-Cawl iyo Boorama, wuxuuna hadal kooban oo uu ka jeediyay Degmada Dilla uga mahad-naqay sida ay uga soo dhaweeyeen, isagoo ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku leh nabadgalyada guud ee dalka iyo ta gobolka awdal.
Weftiga waxay markaa ka dib u boqooleen dhinaca magaalada Boorama oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo kulamo kala duwan kula yeeshay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama maamulka, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo iyana dhinacooda ka hadlay baahiyaha iyo tabashooyinka deegaanka .
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com