London(ANN)Haweenayda haysta taashka Boqortooyada guunka ah ee Britain, Princesses Elizabeth, ayaa sheegtay in dowladdeedu ay ka shaqeyn doonto sidii xasillooni looga heli lahaa gobolka Geeska Afrika. Elizabeth oo maanta qudbad ka jeedisay fadhigii
aqalka Baarlamaanka ee Britain.
Haweenayda Boqortooyada Britain oo qudabad sanadeed ka jjeedisa aqalkaa Baarlamaanka, ayaa ka hadashay mushkiladaha iyo dhibaatooyinka qalalaase ee ka jira meelo baddan oo aduunka ah, waxayna qudbadeeda ku qeexday siyaasadda ay dowladda Britain ku shaqeyneyso ee dalka Britain iyo xidiidhka siyaasada caalamka, iyadoo tilmaantay in dowladdu ay ka shqeyn doonto in aan huba Nukliyeerku baahin, isla markaana xasilooni loogu soo dabaali lahaa meelaha qalalaasuhu ka taaganyahay.
Princesses Elizabeth, waxay si cad u sheegtay inay dowladdeedu taageeri doonto sidii madaxbannaani siyaasadeed iyo mid dhaqaale ay u gaadhi lahaayeen waddamada Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ee ku jira xaaladda kala guurka ah. waxa kaloo ay ka hadashay siyaasada gudaha ee dalka Britain iyo shuruucda qabyada ah ee Baarlamaanka horyaal, kuwaas oo ay sheegtay in baahi weyn loo qabo meel marintooda, kuwaas oo qaarkood ka hadlayaan sidii ay Hay’addaha wax basaasa ugu suurta geli lahayd inay kaantaroolaan shebekadaha social Media iyo E-mailada. si nabadgelyada loo sugo.
xeerarkaa waxa kaloo ku jira qorshayaal la doonayo in dib u habayn lagu sameeyo golaha House of lords oo ku dhowaad todoba boqol, oo sanadood jiray iyo sidii wax looga qaban lahaa dhaqaalaha Britain, shaqo la’aanta iyo adeegyada bulshada arrimaha amaanka iyo xuquuqda aadamaha.
Dhawaaqa Haweenayda hogaamisa Boqortooyada Britain Princesses Elizabeth, ayaa kusoo beegmay iyadoo dawladda Britain labadii sanadood ee u danbeeyay si cad u muujisay doorkii siyaasadeed ee ay ku lahayd siyaasada aduuunka, isla markaana qalalaasaha gobolka Geeska afrika oo mushkilada ugu cabsida weyn ee labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay ka taagani tahay mushkilada Somalia.
dawladda Britain, ayaa xal u helida arrimaha Somalia si toos ah ula wareegtay sanadkii u danbeeyay, isla markaana dalkeeda ku qabatay shirkii xalka loogu raadinayay mushkilada Soomaalida , kaas oo 23 Feb 2012 lagu qabtay London, isla markaana ay kasoo bexeen qodobo wax ku ool ahaa , kuwaas oo la doonayay in xal loogu helo mushkilada iyo qalalaasaha Somalia ka taagnaa labaatankii sanadood ee u danbeeyay oo khatar ku ah mandaqada geeska afrika iyo gobolkaba, waxayna weedhaha Princesses Elizabeth, u muuqdeen kuwo si cad u iftiiminaya sida aanay dawladda Britain uga hadhin meel marinta qodobadii kasoo baxay shirkaa oo beesha caalamku ku go’aamisay inay Somaliland iyo Somalia mustaqbalkooda siyaasadeed ka wada hadlaan si aanay Somaliland ugu dabranaan mashaakilka xalka loo waayay ee Somalia. maadaama ay Somaliand ahayd mudo dheer xiligii gumaysiga mustacmarad u ahayd United Kindom. Kadib markii ay heshiis kala saxeexdeen Odayaashii Somaliland iyo Boqortooyadii Britain 1887, taas oo 1960 Somaliland siisay xornimo buuxda, balse ku luntay Midawgii Somalia. laakiin halgan dheer ka dib ay Somaliland dib ula soo laabatay xoriyadeedii 18 May 1993. balse labaatankii sanadood ee u danbeeyay ay Somaliland ka raadinaysay mujtamaca aduunka aqoonsi caalami ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com