Arrimaha Debeda Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar oo maanta safar ugu baxay dalka Djibouti, ayaa Idaacada BBC-da ka sheegay inaanay Somaliland ka qayb galayn shirka Istanbul, haddii aan wax laga bedelin qaabka shirkaa loo maamulayo, kaas oo sida uu sheegay inuu Somaliland ka dhigayo Gobol ka mid ah Somaliya.
Dr. Maxamed C/llaahi, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, “ Shirka Turkiga Ajandaha lagaga hadlayaa xagga Siyaasadda ayuu u badan yahay Somaliland-na ma khuseeyo, waayo Road Map-ka kamay mid ahayn, sida loo soo dhigayna waa mid ka hor imanaya madax banaanidii Somaliland, markaa waxaanu Turkiga ka codsanaynaa inay Ajandaha dib u eegaan oo ay nasiiso Mustawihii aanu kaga qayb galnay shirkii Ingiriiska.”
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland, waxa la weydiiyay sida ay u arkaan Dastuurka Somaliya ee la Ansixinayo, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Distoorka Somaliya loo samaynayo ma khuseeyo Somaliland, waanu ognahay Distoorkaasi inuu sheeganayo Gobol Somaliland ah, waana arrin cawaaqib xumo keeni karta haddii sheegashadaas la sii wado” ayuu yidhi
Sidoo kale mar uu ka hadlayay Salaadiin Somaliland ah oo Muqdisho tagtay wuxuu yidhi, “Baarlamaanka Somaliland, waxay dhawaan Xukuumadda u ogolaadeen in ay iyadu ka qayb gali karto oo kaliya shirarka lagaga hadlayo arrimaha Siyaasadda, cid kale oo fasax loo siiyay ma jirto, Salaadiintu iyagaa dalkooda cid walba uga Lexejeclo baddan, laakiin madax dhaqameedka taga waa Danbiile Qaran sharcigaana la horkeeni doonaa marka la qabto” ayuu yidhi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1