Muqdisho(ANN)Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee DKMG ah inuu sida ugu dhaqsaha badan xorriyadooda ugu soo celiyo qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ahaa oo dhowaan loo qabtay
tuhun la xidhiidha qaraxii ka dhacay horraantii April Tiyaatarka Muqdisho.
Qaraxaa oo la doonayay in lagu khaarajiyo Raysal wasaaraha, balse ay ku dhinteen toddoba qof oo isgu jiray xildhibaano, saraakiil dawladda ka tirsan iyo dad kale, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo ay ku jireen suxufiyiin. Kadib markii munaasibad ka socotay Tiyaatarka oo lagu xusayay sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dib u howgelintii Telefishinka Soomaaliya. Balse uu haleelay qarax sida dawladu sheegtay ay ka samaysay goobtaa gabar dhallinyaro ah, taas oo laga shakisan yahay sidii ay kusoo gashay Tiyaatarka oo amaankiisa la adkeeyay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxa dalabkiisa ku sheegay qoraal codsiga ah oo soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay, wuxuuna ku xusay in isagoo tixgelinaya howsha guddiga baadhista qaraxii tiyaatarka, isla markaana eegaya xuquuqda uu muwaadiniinta uu codsanayo in haddii aanay jirin dambi dadkaas lagu
horgeynayo maxkamad xorriyadooda dib loogu soo celiyo.
Xubnaha uu ra’iisul wasaaruhu dalbanayo in xorriyadooda loosoo celiyo ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sidan: –
G/sare, Maxamed Cabdi Qaybdiid
G/lle, Maxamed Daahir Cabdulle
Dhamme, Cabdiweli Maxamed Ilig
Dable, Cabdi Yaasiin Cali
Dable, Khadra Daahir Xallane
Cismaan Ibraahim Macallin Cali
Maxamed Faarax Cali iyo
Cabdfiitaax Cali Xasan
Qoraalka ra’iisul wasaaruhu uu ku dalbanayo sii daynta xubnaha ilaaladiisa ka mid ahaa, wuxuu u cuskaday qodobbada dastuurka ee kala ah: qodobka 16-aad farqaddiisa labaad iyo lixaad, qodobka 17-aad farqaddiisa labaad xarafka A, qodobka 48-aad, 52-aad iyo 53-aad.
Dhinaca kale Dadkaa oo dhammaantood xabsiga loo taxaabay badhtamihii bishii hore, ayaa ku jira xabsi ay leeyihiin ciidammada nabadsugidda DKMG ah, kaas oo ku dhow madaxtooyada, isla markaana ilaa hada maxkamad lama horgeyn dadkaa iyo kuwo kale oo baddan oo loo qabtay, ama lala xidhiidhiyay tuhun ah inay lug ku lahaayeen qaraxaa, balse Raysal wasaaruhu kuma soo hadal qaadin codsigiisa dadka kale ee sidan oo kale loo xidhay tuhunka ee aan weli maxkamad la geyn oo ay waajib ahayd inuu u hadlo. laakiin wuxuu codsigiisa ku koobay oo keliya Ilaaladiisa gaarka ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com