Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraall Duur ayaa maanta si deg-deg ah ugu baxay dalka Djibouti. Socdaalka wasiirka oo aan ujeedadiisa laga war qabin ayaa lala xidhiidhiyay murug dublamaasiyadeed oo ka dhashay . kadib markii xukuumadda
Somaliland shalay dalkeeda ka celisay wefdi ka socday xukuumadda Djibouti oo doonayay inay kasoo talaabaan xadka ay Somaliland la wadaagto dalkaa, kuwaas oo aan booqashadooda iyo ujeedadooda lala socodsiin xukuumadda Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ayaan ka hadlin ujeedada wefdigaa oo laba kooxood ahayd loogu diiday inay usoo talaabaan Somaliland, isla markaana lama oga in marka hore ay ka war qabeen iyo in kale. Sidoo kale xukuumadda Djibouti ayaan wax war ah kasoo saarin ilaa hada wefdigooda xukuumadda Somaliland celisay iyo waxa qorshayaasha booqashadoodu la xidhiidheen.
Hase yeeshee socdaalka maanta sida kediska ah ugu baxay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu sifeeyay calaamad iftiiminay inuu jiro murug dhinaca dublamaasiyada ah oo labada dawladood soo kala dhexgalay, balse lama oga inuu socdaalka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ugu baxay dalka Djibouti uu yahay mid la doonayo in arrintaa lagu xaliyo, sidoo kale waxa aan laga warqabin inuu ku baxay dalab ka yimi dhinaca xukuumadda Djibouti iyo inuu yahay go’aan ay ka qaadatay xukuumadda somaliland oo ku doonayso in lagu xaliyo muruga ka dhashay wefdiga xukuumadda Djibouti ee loo diiday inay kasoo talaabaan xadka Lawyacado ee xeebta galbeedka Somaliland oo ay labada dal xad ka wadaagaan.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ee safarka ugu baxay Djibouti, waxa uu lahaa go’aanka weftiga Djibouti lagu celiyay, iyadoo wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayeen in aanay Dawladda Djibouti waxba kala socodsiin Somaliland weftiga dalkeeda kusoo jeeday, balse Badhasaabka Salal oo keliya uu la socday arrintaa oo labada wefdi midkood oo ku socday Salaylac uu casuumad u diyaariyay. Laakiin aanu waxba kala socodsiin xukuumadda sare ee Somaliland arrintaa. Sidaa darteed Booqashada Wasiirka arrimaha gudaha ee Djibouti, haddii aanay xukuumadda Somalialnd waxba kala socon wefdiga kusoo jeeday waxay booqashada Wasiirka ee deg-dega ahi noqonay talaabo dublamaasi ahaan sax ah oo loo baahnaa.
Laakiin haddii aan wefdiga lala socodsiin marka hore oo ay ahaayeen kuwo aan wax ogolaanshiiyo ah ka haysan Somaliland, sidaana lagu celiyay, waxay talaabada wasiir Duur u muuqanay mid meel khaldan oo sharafdhac ku ah dublamaasiyada iyo qaranimada Somalialnd, waxayna waajib ku ahayd inay xukuumadda Djibouti soo dirto wefdi iyadoo garwaaqsanay khaladka marka hore dhacay inay iyagu lahaayeen, balse waxay arrimahaasi cadaan doonaan marka ay ka hadlaaan labada dawladood oo ay soo baxayaan meelaha wax ka murgadeen iyo dhinaca khaladku ka yimi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
Araweelonews Mobile