Hargeysa(ANN) Golaha wakiiladda Somaliland, ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen hoolka shirarka ee golahaa ku meel mariyay cod qaadis golaha loo weydiiyay Is casilaada Guddoomiye ku-xigeenkii Koowaad ee golahaa Sh. C/casiis Maxamed Samaale oo uu Madaxweyne Siilaanyo u magacabay
Wasiirka Maaliyadda.
Sidoo kale waxa golaha la keenay is casilaad kale oo uu soo gubiyay Gudoomiye ku-xigeenkii labaad ee golahaa Baashe Maxamed Faarax oo doonaya inuu isku sharaxo jagadii uu Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale baneeyay oo ahayd gudooniye xigeenka labaad ee golaha.
Fadhiga mudanayaasha oo ay kasoo xaadireen 52 mudane waxa ogolaaday istiqaalada Wasiir C/casiis Maxamed Samaale 50 mudane, hal mudane ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codaynin. Halka guddoomiye ku-xigeenka labaad ay istiqaaladiisa aqbaleen 51 mudane.
Wasiir Samale oo ka hadlay fadhigii Golaha wakiiladda ee maanta ayaa sheegay inuu ogyahay xilka uu hayay iyo ka loo magacaabay inuu sareeyay xilka uu hayay ee gudoomiye xigeenka golaha wakiilada, balse waxa uu sheegay in maadaama Madaxweynuhu u gartay oo la magacaabay inaanay jirin sabab uu uga baaqsadaa.
Wasiirka cusub ee Maaliyadda Sh. C/casiis Maxamed Samaale waxa uu xusay in Wasiirkii hore ee xilkaa hayay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi inuu ahaa Wasiir Mudnaa inuu xilka sii hayo, balse uu ka xun yahay in xilkiisa uu qaato, taas oo sida uu sheegay ay duruuftaha waqtigan taagani keeneen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com