Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somalialnd Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiiradda, isagoo xilalkii ay hayeen ka qaaday koox wasiiro aad loogu tirinjiray, isla markaana magcaabay kuwo cusub xalay waaberigii.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyadda oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-
NO |
Magac-yada Masuuliyiinta Cusub |
Magacaabidda |
Wasaaradda loo magacaabay |
1 |
Cabdicasiis Maxamed Samaale |
Waxa loo magacaabay |
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada |
2 |
Axmed Cabdi Xaabsade (Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) |
Waxa loo magacaabay |
Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka |
3 |
Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) |
Waxa loo magacaabay |
Wasiirka W/Warfaafinta |
4 |
Cali Siciid Raygal (Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka) |
Waxa loo magacaabay |
Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka |
5 |
Maxamuud Axmed Barre (Garaad) |
Waxa loo magacaabay |
Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada |
6 |
Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub) |
Waxa loo magacaabay |
Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha |
7 |
Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)
|
Waxa loo magacaabay |
Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah |
8 |
Mawliid Maxamuud Ibraahim |
Waxa loo magacaabay |
Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda |
9 |
Nuux Sheekh Muuse Ducaale |
Waxa loo magacaabay |
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha |
10 |
Maxamed Cumar Cabdilaahi |
Waxa loo magacaabay |
Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha |
11 |
Mudane Axmed Xuseen Oomane |
Waxa loo magacaabay |
Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan |
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
No |
Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday |
Xilka uu hayey |
1 |
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi |
Wasiirkii W/ Maaliyadda |
2 |
Prof. Ismaacil Muumin Aar |
Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka |
3 |
Ilhaan Maxamed Jaamac |
Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada |
4 |
Dr. Axmed Xaashi Oday Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda |
Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta |
5 |
Cabdi Siciid Faahiye |
Wasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka |
6 |
Warsame Siciid Cabdi |
Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda |
7 |
Maxamed Yoonis Cawaale |
Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda |
8 |
Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil |
Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission) |
9 |
Axmed Cali Xirsi (Sulub) |
Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha |
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.