Muqdisho(ANN)Kooxo ka tirsan Dagaalyahanka Al-shabaab, ayaa maanta socod temeshle ah ku maray qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyagoo ku gaashaaman hubka darandooriga u dhaca. Kadib markii hogaamiyaha dawladda taagta daran Sh. Shariif shalay sheegay inay Al-shabaab ka
safeeyeen magaalada Muqdisho.
Sheekh Maxamed Cumar Cabdi Raxmaan oo hogaaminaya kooxo hubaysan ka tirsan Al-shabaab ayaa socod ku maray qaybo ka tirsan degmada Dayniile. Xarakada Al-shabaab, ayaa hore u sheegtay Augst 2011 ee sanadkii tegey inay qaabkii dagaalka Muqdisho wax ka bedeleen oo ay qaab firfircoon howlgallo uga fulinayaan xaafado katirsan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Mas’uulkan katirsan Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamadooda ay meel walba oo Muqdisho kamid ah ka howlgalaan, wuxuuna sarkaalkaasi been abuur ku tilmaamay dhawaaq shalay kasoo baxay shariif Sheekh Axmed oo sheegayay inay ciidamadoodu Al-shabaab Muqdisho ka saareen oo ay gacantooda ku wada jirto.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay Al-shabaab oo mudooyinkii u danbeeyay ka baxay magaalooyin waaweyn iyo deegaamo muhiim ahaa oo ay gacanta ku hayeen ay ku jiraan qorshe dib u habayn iyo inay sameeyaan istiraatiijiyad cusub oo ay kaga gaashamanayaan weerarada dhinaca cirka ee duqaynta iyo kuwa dhinaca dhulka ah ee isbahaysiga ciidamada AMISOM , Ethiopia iyo Kenya oo taageeraya ciidamada dawladda taagta daran ee Somalia. iyadoo ay kooxda Al-shabaab sida hore looga bartay xiliyadan oo kale fuliyaan weeraro qaraxyo is miidaamin ah iyo dilal qorshaysan, taas oo ay ku bedelaan dagaalka ka fool ka foolka ah ee ay ku jireen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com